Daaw Sawirada:Banan Baxyo Looga Soo Horjeedo Filimkii lagu Aflagadeyey Nabi Muhamed SCW) Oo ka Dhacay Boohodle
Hadaba waxaa ugu horeynba halkaasi ka hadlay Sheekh C/baasid Xuseen Fayar oo ah maamulaha Machadka diiniga ah ee Caa’isha Bintu Abukar Sidiiq, isagoona xusay in gaaladu ay caadhaysteen cayitaanka Ambiyadii Alle uu u soo umaddiisa isla mar ahaan taan banaan baxani ay kaga soo horjeedaan arintaasi.
Waxaa iyana halkaasi ka hadlay mas’uuliyiin ay kamid ahaayeen Sheekh Jaamac Sulaymaan, Garaad Maxamed, iyo waliba mas’uuliyiin kale oo aad u tira badan, iyagoona dhamaantood si cado ku jirto uga jawaabay aflaagadadaa loo gaystay Nabigeena suuban SCW.
Waxaa ugu dambayntii isla banaan baxani kusoo bandhigay gabay ka turjumaya shucuurtooda dareen dad weynahani maanta banaan baxayey Abwaan C/salaan C/laahi Jaciir oo kamid ah Abwaaniinta soomaaliyeed ee ku sugan Deegaanada Khaatumo.
Si Kastaba ha ahaatee banaan baxani ayaa qayb ka ah banaan baxyo aad u tira badan kuwaas oo ka socda dalka gudihiisa iyo debadaba lagagana soo horjeedo aflagaadadii loo gaystay nabigeena subaan SCW.
Halkan Ka Daawo Sawiro
Hadii aad u baahan tahay codadkii banaan baxaas iyo waliba hadaladii mas’uuliyiintii ka hadashay halkan hoose ka dhagayso.
Wariye Abdirahman Wadani
Email axmedyare1001@hotmail.com
Buuhoodle Soomaaliya





