WAR DEG DEG AH:- Al-shabaabkii Kismaayo ka kala cararay oo isugu tagay degmada Jilib ee J/dhexe.
Wararka haatan naga soo gaaraya degmada Jilib ee gobalka J/dhexe ayaa waxay sheegayaan in ciidamadii iyo saraakiishii Al-shabaab ee isaga kala cararay magaalada Kismaayo ay daqiiqado ka hor gaareen degmadaasi, iyaga oo hub aad u badan wata.
Wararka ayaa waxay intaasi ku daraayaan in ciidamada Al-shabaab ay isku wada gadaameen degmada Jilib, iyadoona wal wal aan caadi ahayn uu soo wajahay xilligaan shacabka ku dhaqan degmadaasi
.
Al-shabaab ayaa wata in ka badan 50 gaari oo nooca dagaalka ah, waxaana la sheegayaa in ciidamada Alshabaab sidoo kale ay soo xir xirteen boorsooyinkooda lamana oga sida ugu dambeesa ee Al-shabaab ka sameen doonaan degmadaasi iyo in halkaasi ay ku nagaanayaan.
Ciidamadaan iyo saraakiishaan Al-shabaab ayaa saaka si kama dambees ah usoo macsalaameeyay degmada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ka dib markii uu kusoo dhawaaday duulaanka culus ee ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ay halkaasi kusoo hayaan.
beenaalayaal ilaah ka furtay dagaalka biibi ka socdaa muxuu yahay cadowgaad la safateen laakiin waynu eegi meeshay idin gayso
allaahu akbar allaahu akbar waala jebiyey munaafiqiintii diinta islaamka kabeen sheegayey ee dhibta kuhayey shacabka somaliyeed waa cusub ayaa noo baryey al-shabaab garabkooda alle waa kabaxay ciidamada somalia iyo kuwa walaaleheena africanka ah ee na kaalmaynaya alle waa uu siiyey guusha al-qaacida ha dhacdo dowlada somalia ha guuleysato inshaa allaah
asc, mahad alle aya iska leh ,intaas kadib umada soomaaliyeed saan ma aqli ayeey moodeen qaar shisheeyaha garab kadhigta qaar waalaheen oo gu yeera ,oogu dambeentii waxaan rabaa inaan suaal muhiim ah weydiyo qof walba oo soomaali ah, hadey kabaxeen alshabaab kismaayo, suaasha taagan waxeey tahay kismaayo mareexaan iyo ogadeen oo garab kadhiganaayo galada keen yaatiga ah kismayo yaa uharaayo ?