Ha Moogaan Dukaanka Cusub Ee GuledSon Ee Bartamaha Amsterdam Noord
Magaalada Amsterdam ee waddanka Holland waxaa dhowaan laga furay dukaankii ugu weynaa ee Soomaalidu ay ka heli karaan adeegyadamuhiimka ah sida qeybaha kala duwan ee raashinka quutul-daruuriga, alaabaha la isku qurxiyo (cosmetics), noocyada dharka ragga, haweenka, caruurta, & xawaaladaha, waxaana dukaankan oo ku yaala agagaarka Jaaliyadda Soomaalida magaalada Amsterdam (SOMVOA) hirgeliyey ganacsade Max’uud Guuleed Cabdulle.
Ganacsade Max’uud oo maanta saxaafadda kula hadlayey xafiiskiisa wuxuu sheegay in dukaankan Soomaalida & ajnabiga kale loogu diyaariyey dhammaan adeegyada muhiimka ah ee ay baahan yihiin, wuxuuna tilmaamay in ganacsigiisu uu kaga duwan yahay ganacsiyada kale ee Soomaalida in uu ku xiran yahay suuqyada ganacsiga adduunka
Waxaan gelinay dukaankan hanti aad u fara badan, waxaana ugu diyaarinay Soomaalida dhammaan adeegyada ay isticmaalaan, oo ay kaga heli karaan dukaanka qiimo aad u jaban” ayuu yiri Ganacsade Max’uud. Guuleed
Cabduqaadir Max’ed oo ka mid ah macaamiishii ka dukaameysanayey dukaanka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in dukaan ay ka heli karaan dhammaan agabyada muhiimka ah in laga hirgeliyey Amsterdam, wuxuuna ku tilmaamay dadkii ka qeybqaatay hirgelinta dukaankiisa ay ku mahadsan yihiin sida ay ugu dedaaleen in Soomaalidu hesho waxyaabaha ay u baahan tahay.
“Dukaankan wuxuu noqonayaa midkii ugu horreeyey noociisa ee ay Soomaalidu ka Hirgeliso waddankan, waxaana loogu diyaariyey Soomaalida wax kasta oo u baahan yihiin” ayuu yiri
Ganacsade. Max’uud Guuleed Cabdule ( Ereg )
Tel.
0031-20 636 3376
Tel.
0031- 6347 65064
Meel kasta oo aad joogto kala xiriir dukaanka adress-kan
Johan van hasseltweg 98 postcode: 1022WX Amsterdam nord
Bashalt: j.v.hasseltweg
Bas nambarka: 32 ,33, 38, 107, &, 109,
Waxaad Nagala Kulmi Doontaan Gacmo Furan Shaqaale
Hawsha U Heellan Iyo Macaamiil Wanaag
Waad Mahadsantihiin
Wrote By Sidiiq El Iidle







