WAR CULUS:-Maxaa kala heesta C/weli Gaas iyo C/raxmaan Faroole oo ku dagaalsan xilka ra’iisul wasaarenimo cida loo magacaabi lahaa.
Waxaa si aad iyo aad ah usoo ifbaxaaya khilaafka culus oo ka dhex aloolsan madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole iyo C/weli Maxamed Cali Gaas oo markaan tartan aan caadi ahayn uu soo kala dhex galay ka dib markii mid walba uu isku dayaayo in uu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Faroole ayaa la sheegayaa in uu soo dirsaday ergo aad u badan oo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka dhaadhiciya in isaga laga dhigo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya in kastoo fashil uu noqday kulan ergadaasi ay la yeelan lahaayeen madaxweynaha Soomaaliya.
Sidoo kale C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa wada dadaaladii ugu badnaa ee uu ku doonaayo inuu ku noqdo ra’iisul wasaaraha Soomaliya, in kastoo xilkaasi markaan uu u muuqdo mid ay dad badan u wada tartamaayaan, dhawaanna la filaayo in qof un loo soo magacaabo.
Dhanka kale sarkaal sare oo ka mid ah xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa si hoose inoogu sheegay in maalmahaan dambe madaxtooyada ay noqotay mid aad u sawaxan badan, iyadoona xafiiska madaxweynaha ay buux dhaafiyeen xubno badan oo doonaaya xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee dhawaan ayaa waxa amadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud laga filaayaa inuu soo magacaabo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, iyadoo la sugaayo ra’iisul wsaare Tayo leh.
labadii xaq darro ku heshiisa xaq allay ku colloobaan siilaanyo iyo faroolena dhakhso yaa loo kala qabanayaa waxayna ku heshiiyeen in khaatumo la iska qabto
ilaahii xaq daahirin jiroow daacadda u hiili
waxaan aad qoraysaan wax sal iyo raadle maahan faroolena madal ayuu ka sheegay inuusan puntland meelna uga socon cidlana uga tagayn hawlaha qabyadaa gaasna waa wadani soomaaliyeed waana u badan tahay inuu noqdo raisal wasaare marlabaad waayo wuxuu qabtay ayaa loo jeedaa laguna tanaaday marka war baahinta waa inay qoraan war sugan oo ka fog qabiil xisbi amaba qof nacayb fadlan war dhexdhexaad ah noosoo qora ma akhrisan karno riyada Galayr