Warbixin-Culus:-Yuunoqon Karaa Ra’iisul Wasaaraha Cusub?Xiligeese Laguwadaa in Lagu Dhawaaqo”
Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa laga sugayaa dhawaan inuu soo magacaabo Ra’isul Wasaare cusub.
Waxaa uu waayadan waday latashi uu la samaynayay odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed.
Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa uu kulamo gaar ah la qaatay odayaasha beelaha Daarood isagoo kala hadlay cida uu udoonayo Ra’isul Wasaaraha cusub.
Madaxweynaha ayaa usheegay Odayaasha beelaha in Ra’isul Wasaaraha uu magacaabi doono uu noqon doono qof ku cusub siyaasadda Soomaaliya.
Waxaa jira warar hoose oo shegaya in
Afar Nin oo kasoo kala jeeda sedex kamid ah beelaha Daarood ayaa la filayaa in midkood uu qabto jagadaas.
Waxaa ragaas ku jira Nin la rumaysan yahay inuu kasoo jeedo Beesha Sadde oo ka yimid dalka Mareykanka kaas oo dhawaanahan lagu arkayay xarunta Madaxtooyadda.
Inkastoo dadka aan xogtan ka helnay ay naga qariyeen magacyada saraakiisha loo malaynayo in ay xilkaas qabtaan hadana Ninka Mareykanka ka yimid ee kasoo jeeda beesha Sade ayaa ugu cad cad inuu jagadaas qabto.
Dhanka kale Aqoonyahan kasoo jeeda beesha dhul-bahante oo wax kusoo bartay dalal ay kamid yihiin Maraykanka ,Ruushka, India iyo Ingiriiska ayaa loo malaynayaa in loo magacaabo Wasiirka ugu sareeya xukumada.
Ninkan ayaa kasoo shaqeeya Hay’ado hoostaga QM, islamrkaana lasoo shaqeeyay Beesha Caalmka .
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa sidoo kale jagadaas la raba Dr Doodisho oo ah Aqoonyahan ay saaxiibo yihiin Madaxweynaha cusub kaas oo kasoo jeeda beesha Daarood hase ahaatee ma hayno cida uu ka yahay.
Aqoonyahan kale oo kasoo jeeda beeshaas laakiin aan kala cadeyn karin inuu kasoo jeedo Dhul-Bahante ama Ogaadeen ayaa kamid ah xubnaha aloo saadaalinayo xilkaas.
Waxaa meesha ka baxay qorshe Dr Gaas iyo Farmaajo uu midkood ugu soo laaban lahaa kursigaas inkastoo wali loolanka iyo wadatashiyada ay soconayaan.
Warar ka ayaa sheegaya in 48 sacadood ee inagu soo aadan lagu dhawaaqi doono Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud.