afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
5:34 pm | Posted by

Prof Jawaari “Dastuurka Soomaliya Kuma Qorna Kursi Daarood” Eray Faroole ku Socda

Ayadoo MadaxwaynahaCusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya Xassen Sheikh Maxamuud ayaa waxaa soo baxaya talooyin iyo hadal is waydaarsi ay dirayaan qaar kamid ah Siyaasiyiinta Somalida.

Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Soomaliyeed ee Puntland Dr C/rixmaan Faroole ayaa warar aan ka helayno Madaxtooyada waxay sheegayaan inuu khadka Telfoonka kula soo xiriiray Gudoomiyaha Baarlamanka Xukuumada Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Sheikh Cosmaan Jawaari.

Faroole ayaa Gudoomiyaha Baarlamanka ka codsaday inuu talo fiican ka siiyo Madaxwayne Xassen Sheikh Maxamuud Cida uu ka dhiganayo Raizul Wasaraha si hadhow aysan ugu keenin dhib.

Madaxwayne Faroole ayaa u sheegay jawaari kurisigii Hawiye inuu ku fadhiyo Xassen Sheikh Kursigii Raxan-wayna Jawaari, isla markaana kursiga daarood ay xaq u leeyihiin Puntland, sida uu sheegay.

Illo lagu kalsoonyahay Ayaa afbakayle.com u sheegay in Jawaari uu Faroole ku Yiri “Dastuurka Soomaliya Kuma Qorna Kursi Daarood” taasoo uu kala jeeday in kursiga ay leeyihiin Somali oo dhan cida uu Madaxwaynuhu siinayana ay isaga u taalo.

MadaxwayneFaroole ayaa la sheegay in uu ka Xanaaqay eraygaasi isla markaana uu Jawaari u sheegay inuu ka fiirsado hadalada uu ku hadlayo hadii kale ay Puntland ka tashan doonto Xiriirka ay la leedaha Dowlada Cusub ee Soomaliya ee ugubkaa.

Prof Jawaari ayaa sidoo kale sheegay inaysan khalad ahayn erayada kasoo baxaya isla markaasina ay u gaartahay Madaxwaynaha Cida uu ka dhigayo Raizul Wasaaraha.

Sikastaba Xiriirka Faroole iyo Dowlada Cusub ayaa sii xumaanayay tan iyo markii Madaxwayne Faroole uu meesha ka waayay Ragii taladiisa qaadan jiray ee isku hadafka ahaayeen.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

1 Comment for “Prof Jawaari “Dastuurka Soomaliya Kuma Qorna Kursi Daarood” Eray Faroole ku Socda”

  1. buuhoodle
    September 20, 2012 - 4:06 am

    Faroole waa shaqsi kamida Somalida weliba tayo ahaan aad u liita cirka iyo dhulka hadduu hayo bal hasoo dumiyo. Madaxweynaha Cusub waxaan kula talin lahaa Somalia hadda dawlad buuxda ayay leedahay cadwgeenuna waa badanyahay markaa nina haka amar qaadan.

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM