Qunsulkii Safaaradda Soomaaliya Ee Kenya Oo Maanta Lagu Aasay Nairobi
Allaha u naxariistee Maxamed Aadan Edson oo ahaa qunsulkii Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa maanta lagu aasay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Aaska qunsulka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool gaar ahaan magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa,xildhibaanno Baarlamaanka ka tirsan oo Kenya ku sugan iyo diblumaasiyiin ka socda dalal caalamka ah iyo safiirrada Nairobi ku sugan.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Mudane Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in qunsulka lagu aasay duhurnimadii maanta qabuuraha Nagaasa ee duleedka magaalada Nairobi.
Allaha u naxariistee Maxamed Aadan Edson qunsulkii Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ayadoo qunsulkana uu mudooyinkan xanuunsanaa waxaana si loo dabiibo kol hore caafimaad ahaan loogu qaaday magaalada Rome ee dalka Talyaaniga