Cunista Hilibka Dhurwaaga Oo laga Bilaabay Caasimadda Puntland ee Garowe iyo Hargeisa.
Wararka nagasoo gaadhaya Caasimadda Puntland ee Garowe in lagu arkayay Suuqyadda Hilibka , Hiblibka Dhurwaaga kadib markii loo iibkeeney, waxaana loo gadanayaa si caadi ah. Mid ka mid ah dadka keena Dhurwaaga ayaa waxa uu sheegey in isaga oo nool ay keenaan Suuqa dabadeedna ay bireeyaan oo ay si caadi ah u gaddaan, iyaka oo 1kg siiya $10, waxaana uu sheegey in loo gato si la mid ah hiblka Xoolaha ayna sii wadayaan keenida Dhurwaaga. Habka ay ku soo qabtaan Dhurwaaga ayuu sheegey in ay dabin u dhigaan, dabadeedna ay bireeyaan oo ay Kawaanaan. Dadwaynaha ku dhaqan magaalada Garoowe ayaa si wayn u hadalhaya todobadkan hilibka Dhurwaaga ee lagu arkey Suuqa hilibka iyada oo dadka qaarkiis arin la yaab leh ku noqotey. Cunida hilibka Dhurwaaga ayaa Culimada Soomaaliyeed isku khilaafeen, iyaka oo qaarna ay xalaaleeyaan qaarna ay xaaaraan timeeyeen. Maamulka ka arimiya magaalada Garoowe iyo nawaaxigeeda ayaan ka soo saarin wax diidmo iyo ogolaansho toona ah, Isku soo wada duuboo hilibka waraabaha ayaa cunistiisu waxa ay ka bilaabantay magaalada Kismanyo ee xarunta gobolka Jubada hoose halkaasoo ay xilligaasi ka ariminayeen xarakadii Al-Shabaab oo xalaalaysay cunista hilibka Waraabaha,waxaa kaloo iyana la sheegay in si teel teel ah oo suuq madow ah lagu kala gadanayay magaalada Hargeysa balse gebi ahaan aan laga isticmaalin inteeda kale ee Somaliya aan laga cunin hilibka Waraabaha oo looga yaqaano Bahal.
maahan markii ugu horaysay ee cunista hilibka dhurwaaga lagu arko qaybo kamid ah goboladda bariga ee dhowaan bay ahayd markii madaxa dhurwaaga oo fara badan lagu arkay xaafadda calaamadaha oo ka tirsan Magaaladda hargeisa , taasina ay dadka reer hargeisa ku beertay wal wal iyadoo suuqyadda Hargeisa lasyla dhex marayay inay jiraan dad iyagu kena hilibka waraabaha qiimo wacanna ku hela kuna soo dhex qariya hilibka kale ee geella iyo adhiga..
iskusoo duuduuboo dadka ku dhaqan magaallada Garowe ayaa fikir kala duwan ka baqa Cunista waraabaha qaarkood waxay u arkaan horumar la gaadhy , qaarkooda waxay u arkaan dadkii oo bahaloobay taasina waxay xaqiijisay shakigii laga qabay hilibka beryahan lagu isticmaalayo magaaladda garpowe oo isbedel xagga dhadhanka iyo colourkaba lagu arkay..
Wariye cali Faarax Xassan
Johannesburg/South Africa