afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
10:14 am | Posted by

WAR CULUS:- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka dhawaajiyay war aan laga filaneyn :-DHAGAYSO

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday war aan caadi ahayn oo aan laga maleeysan kareen, xilli la
filaayay in dhawaan uu ka qeyb galo shirka golaha amaanka qaramada midoobay iyo shir kale oo 26-ka bishaan ka dhici doona magaalada New York ee dalka
Mareekanka kuwaas oo dhamaan looga hadli doono arimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha oo habeenkii xalay kulan la qaatay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah musharixiintii u tartameeysay xilka madaxweynenimo
ayaa sheegay in aanu xilligaan ka qeyb gali kareen guud ahaan shirarkaasi islamarkaasina ay jiraan sababo uu ku diiday inuu Mareekanka ku aado. “Ka dib markii aan arkay waxa laga rajeeynayo inay
kasoo baxaan shirarka arimaha Soomaaliya looga hadlaayo, waxaan is bar bar dhigay shirarkaasi iyo duruufaha maanta gudaha dalka ka jira iyo shaqooyinka na horyaala, waxaa markaas iisoo baxday inay
haboon tahay inaan shirarkaasi ka baaqdo, anigoo markaasine go’aan ku gaaray in aan dalka meel uga bixin ilaa aan isku daba rido shaqada adag ee na horyaala, aad iyo aad ayaana ugu kalsoonahay in shaqadaasi
adag aynu ka gudbi doonno” sidaasina waxaa yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qiirad wadani hayso.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in dalka Soomaaliya 21-kii sano madaxdiisa ay safaro isaga mashquulsanaayeen, laakiinse isaga aan laga yaabin in safaro uu ku mashquulo, wixii shirar ahna marka ay noqotaba dad kale uu u diri doono, laakiinse isaga aanu dalka ka bixi doonin ilaa uu shacabka dowlad caadil ah u keeno.

Ugu dambeeyn madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhawaan uusoo magacaabi doono ra’iisul wasaaraha cusub ee dowladda Soomaaliya, isagoona ka dhawaajiyay in dalabaad badan uu soo gaaray, islamarkaana la eegi doono qofka ku haboon in jegadaasi loo magacaabo.

 

HALKAAN KA DAAWO HADALKA UU KA DHAWAAJIYAY MADAXWEYNAHA

 

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markaan waxaa la dhihi karaa waxa uu lasoo baxay siyaasad aan caadi ahayn, iyadoona aad loogu riyaaqay hadalkii kasoo yeeray, hadii aan cadaadis lagu saarin in shirkaasi uu ka qeyb galo.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM