War Cuslus:-Qaar Kamid ah Horgalada Siilanyo Ee Laascaanood Oo Khilaafkii ugu Xoganaa Uu Sookala Dhex Galay
Iyadoo horgalayaasha uu khilaafku ka dhextaagan yahay ay u kale jabeen laba guruub oo kala ah malateri iyo boolis ka dib markay shalay galabnimadii ay isku laayeen laba koxood oo kala ah boolis iyo malateri isla markaana ay wax qasaare ah soo kala gaadhi labada koxood ee ay kala waten labada horgale ee la kala dhoho cali qase iyo xussen ducaale waxaana ilaa xalay iyo ilaa manta magaalada lasanod laga dareemayay dhaqdhaaq ciidan oo ay ka wadaan kooxan uu qilaafku ka dhextaagan yahay iyadoo ciidamada malateriga ee horgalayaashu ay wataan soo buuxdhaafiyeen magaalada gebi ahaanaba ay iska dhigeen tuutihii maamulka silaanyo halka ay horgalayaasho booliskuna ay leeyihiin waa in ay xidhaan tuutaha silaanyo islamarkaana waxaan hadalkaa dhegba jalaq u siin horgalada malateriga ee ay ka wada shqayaan maamulka silaanyo una is ticmaalay awood malateri
waxaana dhacday in ay widhiidhkii iyo cadhadii lagula dhoco shacabkii magaalada lasanod isla markaana ay xidhxidheen dad shacab ah oo meherado ku haystay suuqa xadhigan lagula ka cay dadkan shacabka ayaa warar hoose oo aan ka dhex helay shacabka ayaa sheegaya in dadkan loo haysto askari ka mid ah jabhada snm oo xalay ku dhaawacmay magaalada lasanod oo la yidhi waxaa lala dhacay dhagax goor danbe iska oo dhexmaraya suuqa lamana garanyo cida ugaysatay dhaawacan soo gaadhay askari ka tirsan jabmada snm waxaana la xidhxidhay gabdho meherado haystay aagagii uu lagu dilay
isku soo wada duub oo waxaa beryahan soo badanaya isqabadka horgalada iyo maamulka silaanyo iyadoo hada ka hor jeelka lootaxaabay mid ka mid ah horgalada u shaqayay silaanyo oo loo yaqaan gacmadheere kaas oo hada ku xidhan jeelka madheera
Dabaqodhi isku baa