War Deg Deg Ah Weeraro Ismiidaamin ah ay ku dhamaadeen Dad badan ay ku jiraan Wariyaal oo goordhaw Muqdisho ka dhacay
Waxaa Goor dhow oo maqribnimadii ah ilaa Labo Qarax oo Ismiidsaamin ah ka dhaceen agagaarka guriga hooyooyinka gaar ahaan Maqaayad kutaala Hoosta Gurigaasi ay inta badan Fariisan jireen Xildhgibaano ,Wariyaal ,Odayaal iyo dad kale oo Shacab ah iyo kuwa Siyaasada u dhuun duleela.
Qaraxyadaan oo ahaa kuwo aad u waaweyn ayaa la sheegay iney ka dhaceen Maqaayadaasi waxa ayna labada Qarax ahaayeen kuwa Daqiiqado yar kala dambeeyay oo halkaasi ka dhacay ,waxa ayna dad goob joogayala ah sheegeen in ay ahaayeen Ismiidaamin .
Warar hordhac ah oo na soo gaaraya ayaa sheegaya in qaraxyadaas ay sababeen khasaare balaaran oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii kub sugnaa jardiinadaas kaasoo aanla ogeyn tiradiisa, waxayna Wararka sheegayaan In Goobtaas ay ku Dhinteen Wariye Cabdisataar Daahir Sabiye oo ah Wariye Ka Tirsan TV ga Qaranka Somaliya iyo liibaan Cali Nuur oo Isna ah Wariye ka Tirsan Tvga Qaranka iyo Radio Muqdisho.
Lama oga illaa hadda waxa ay ka dhasheen qaraxyadaa goobtaas ka dhacay hase ahaatee waxaa la sheegay ihey ahaayeen ismiidaamin ayna goobtaas isku qarxiyeen labo nin oo waxyaabaha qarxa isku soo xiray.
ina lilah wa inailahi rajicuun runti wa wax naxdin badan lex G0d has a way out