WAR SIR AH:- Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ceeb aan weli la arag kala kulmay madaxweynaha Soomaaliya.
Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ahaa saxiixayaasha Road Map-ka ayaa ceeb aan caadi ahayn waxa uu kala kulamy madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud xilli uu qal qaalo aan caadi ahayn ku jiray.
Waxaa la sheegay in Shariif Xasan uu u tagay madaxweynaha Soomaaliya isaga oo doonaaya inuu ka qal qaalsado mid ka mid ah kuraasta wasiirada xukuumada la filaayo in lasoo dhiso.
Shariif Xasan waxa uu isku dayey in uu ka dhameeyo madaxweynaha Soomaaliya in uu ka dhigo wasiirka maaliyadda Soomaaliya, hase ahaatee madaxweynaha ayaa arintaasi ku dhoola cadeeyay maadaama Shariif Xasan horay loo soo bartay.
Waxaa loo sheegay Shariif Xasan in markaan ay dhamaatay qabiil qabiil, Saaxiibtinimo iyo isfaham in xilal la isku siiyo, waxaana uu u sheegay inay bilaabatay xilligaan markii lasoo xuli lahaa dadkii samata bixin lahaa shacabka Soomaaliyeed.
Shariif Xasan oo madaxa hoos aadinaaya ayaa la sheegay inuu isaga soo baxay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya isaga oo ka yax yaxsan waxa uu kala kulmay madaxweynaah Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Waa sidii lala rabay weliba in xarig loo raaciyaan jeclaan lahaa. Waa ninka keliya ee wadanku uu ka dhaqaaqi waayay