Alla haw naxariistee Waxaa Magaaladda Laascaanood ku geeriyoodey Nuur Maxamed Cali “Nuur-Gadhle
Alla haw naxariistee waa maxaa Magaaladda Laascaanood ku geeriyoodey Nuur Maxamed Cali “Nuur-Gadhle” ilaahay Naxariistii janno ha kawaraabiyo, Eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodeyna samir iyo imaan ha ka siiyo.
Nuur-Gadhle oo da`diisu ahayd 79 jir waxa uu ku dhashay magaaladda Buuhoodle sanadkii 1933dii waxaanu waxbarshada hoose iyo dhexe ku soo qaatay magaaladda Burco, waxbarashada Caafimaadka oo kalkaaliye ah waxa uu ku soo qaatay magaaladda Sheekh.
Alla Haw naxariistee Nuur-gadhle waxa uu shaqada Kalkaaliye Sare oo caafimaadka ah ku hawlgalay sanadkii 1951dii waxaanu ka soo sheqeeyey meelo badan oo dalka ah oo ay ka mid yihiin Sheekh, Burco, Muqdisho iyo Garoowe isagoo sanadihii sideetamaadkiina loo soo bedeley magaaladda Laascaanood oo ilaa haatan ka hawgelaayey.
Nuur-Gadhle waxa uu dhalay 63 caruura waxaana haatan nool 47 ay 28 gabdha yihiin waxana ay wasiilada uu ka tegey haatan yihiin 167 ruux oo dunida dacaladeeda ku kala nool.
Alla haw naxarisstee Nuur waxa uu ahaa sida ay dadka reer Laascaanood sheegayaan nin aad u naxariis badan kuna dadaali jirey horumarinta caafimaadka magaaladda Laascaanood inkasta oo sanadihii u danbeeyey uu ahaa mid xanuun laasimey.
Dhamaantayo waxaan tacsi u diraynaa markale bahda Caafimaadka oo u horeeyo Dr. Siciid Warsame Golle “Shahaado” oo ahaa saaxiibkiisa koowaad
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Laacaanood/Sool
Afbakaylenews@gmail.com
Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun Allaah wayne waxaan uga baryayaa jannatul fardowsa inuu hoy uga dhigo dhammaan ehelkiisiina samir iyo iimaan kasiiyo aamiin aamiin aamiin
inaalilaahi wa innaa ilayhi raajicuun waa ninkii hilib dalqaha iga jaray siwanaaagsan baan u aqaaney intaanan wdanka ka tegin