DAAWO+SAWIRO:-in kabadan 300-oo Askari oo katirsan Al-Shabaab iyo Hogaamiyaal oo isku soo dhiibay Maanta Ciidamada Dowlada
Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa xaqiijiyay inay maanta isku soo dhiibeen 260 maleeshiyo oo ka tirsanaa Al-Shabaab.
Warbaahinta ayaa degmada Balcad loogu soo bandhigay maleeshiyada isa soo dhiibtay iyo hubkii ay wateen oo dhamaa 86 qori.
Sheegow Axmed Cali oo hoggaaminayay ragga isa soo dhiibay ayaa warbaahinta u sheegay inuu khilaaf soo kala dhex galay isaga horjoogaha Al-Shabaab ugu sarreeya gobolka Shabeelaha dhexe oo lagu magacaabo Yuusuf Kaba-ku-tukade, sidaasi daraadeedna ay isugu soo dhiibeen ciidanka dowladda.
Waxaa raggaas la dejiyay xerada Maslax ee degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.
Waa tiradii ugu badneyd oo Al-Shabaab ka soo goosata iskuna soo dhiibta dowladda Soomaaliya iyo ciidanka AMISOM.