afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
4:54 pm | Posted by

DEG DEG: Xildhibaan Sodog u Ahaa Madaxweynihii Hore oo Goordhow Muqdisho Lagu Toogtay (Faahfaahin)

Xildhibaan Suldaan Mustaf Xaaji C/raxmaan oo ka tirsanaa xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa goordhow lagu toogtay degmada Waabari ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in kooxo ku hubaysan Bastoolado ay toodteen mudanahaan ka tirsan baarlamaanka cusub, ka dibna ay baxsadeen iyadoona aysan jirin cid dabagal ku samaysay.

Xildhibaankaan ayaa la sheegay in uu ahaa aabaha dhalay mid ka mid ah xaasaska madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Mustaf Xaaji C/rismaan xildhibaankaan  ayaa waxaa la sheegay in uu daganaa degmada Waabari ee gobalka Banaadir asaga iyo waliba qofskiisa mudo dheer.

Lama oga rasmi ahaan cida ka danbaysa dilka loo geestay xildhibaankaan ilaa iyo iminkana ma jirto cid sitoos ah u sheegatay dilkaan.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay dilal qorsheesan iyo waliba qaraxyo kuwaasi oo lala xariirinayo in ay ka danbeeyaan Al-Shabaab.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM