afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
11:15 am | Posted by

Magaalada Muqdisho oo Dilil Qorshaysan xalay ka dhaceen

Wararka saaka aan ka heleyno Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ay shegayaan in qaar ka mid ah degmooyinka Gobalka Banaadir ay ka dhaceen dilal loo geystay dad rayid ah iyo dad rayid ah sida ay noo sheegayaan dadka deegaanka.

Rag ku hubeysan Bastoolado ayaa la tilmaamay in xalay Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho ay ku toogteen askari ka tirsan ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo qof kale oo rayid ah oo si yaabo kala duwan ay iga kala dileen isla degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir.

Kooxaha oo la sheegay iney ahaayeen ilaa iyo 3-ruux ayaa goobta isaga baxsaday marka ay dilka u geysteen Askariga ka tirsanaa ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo qof kale ee rayidka ahaa,waxaana dad deegaanka ah ay sheegeen in labadaasi ruux markii la dilayay ay marayeen mido ka mid ah Boondheere.

Sababta dhabta ah ee loo dilay Askariga ka tirsanaa ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo shakhsiga kale ayaan la ogeyn,hase ahaatee waxaa maalmihii u danbeeyay Magaalada Muqdisho kusoo batay dilal iyo qaraxyo loo geystay goobaha dadka rayid ah taasi oo shacabka ay cabsi ka muujinayaan.

Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya oo goobta dilalka ka dhacay gaaray ayaa waxaa la sheegay iney xalay iyo saaka wadaan baaritaan xoogaan oo lagu raadinayo dadkii ka danbeeyay dilalkii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

1 Comment for “Magaalada Muqdisho oo Dilil Qorshaysan xalay ka dhaceen”

  1. cabdi mustafe
    September 23, 2012 - 2:52 pm

    yaaaaaaaaaab

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM