afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
4:31 pm | Posted by

DAAWO SAWIRADA: Ciyaartoydii Soomaaliyeed Ee Ka Soo Guuleestay Wadanka Suudaan Oo Muqdisho Lagu Soodhoweeyay

Cayaartooyda Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta ee da’doodu ka hooseyso 17-jirada oo guul ka soo gaaray ciyaartoyda wadanka Suudaan ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Ciyaar ka tirsaneed isreeb reebka da’yarta Qaarada Afrika oo ay magaalada Khartuum ee xarunta Suudaan kula soo cayaareen ciyaartoydaan dhigooda Suudaan ayaa waxay ku soo garaaceen 1-0.

Ciyaartoydaan ayaa maanta waxaa magaalada Muqdisho kuwoo dhoweeyay dadweyne badan iyo waliba masuuliyiin ka tirsan bahda ciyaaraha Soomaaliya.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa warbaahinta kula hadlay tababaraha xulka Qaranka ee da’doodu ka hooseyso 17-jirada Tabare Max’ed C/dulle Fara yare wuxuuna sheegay in ciyaartoydaan ay soo bandhigeen ciyaar wanaagsan sidoo kalana ay guul soohooyeen.

Guushaan ay cayaartooyada Xulka Qaranka soo gaareen ayaa noqoneysa mid aan la iloobi doonin maadaama iyaga oo marti ah ay 1-0 kaga soo adkaadeen Xulka Suudaan oo ka mid ah xulalka Qaaradda Afrika lagu tixgeliyo dhanka kubadda cagta.

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM