afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
5:59 pm | Posted by

Daawo+Sawirada:-Manchester City Iyo Arsenal Oo Isku Garab Dhacay, Iyo Tottenham Oo Guul Gaartay.

Kooxaha Manchester City iyo Arsenal ayaa isku garab dhacay kulan indho qabad lahaa oo ka dhacay Etihad Stadium ka dib markii ay ku kala bixi wayeen barbaro 1-1 ah.

Manchester City ayaa hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 39aad, marki Jeloen Lescott uu madax ku dhaliyay kubad koonerka laga soo tuuray.

Waxaana qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 1-0 oo ay ku hogaamineysay kooxda difaacaneysa horyaalka Ingariiska ee Manchester City.

Qeybtii labaad ayaa labada kooxood ay halkooda ka sii wadeen kubad weerar iyo weerar celis ah, iyagoo abuuray fursado dhowr ah balse goolal noqon waayay.

Ilaa daqiiqadii 82aad ee ciyaarta ayay ku qaadatay inay Arsenal hesho goolkii barbaraha ka dib markii Koscielny kubada soo noqotay uu sideeda kula qabtay islamarkaana dabamariyay goolhaye Joe Hart.

Wax yar ka dib goolka barbaraha ciyaaryahan Sergio Aguero ayaa kubad qatar aheyd oo gool loo fishay hareermartay goolka. Halka dhamaadkii uu isna kubad qatar ah goolka dulmariyay ciyaaryahan Gervinho.

Waxaana ciyaarta ay ku soo dhamaatay barbarahaas gool iyo gool ah. Shan kulan oo ay ciyaareen Man City iyo Arsenal ayaa wada leh 9 dhibcood,

Kulamada kalena Newcastle waxa ay 1-0 dirtay kooxda Norwich City, iyadoo goolka uu u dhaliyay ciyaaryahanka reer Senegal Demba Ba, halka xiddiga kale ee reer Senegal isna laga badbaadiyay gool ku laad.

Tottenham ayaa iyadana ugu awood sheegatay 2-1 kooxda ay London iskala dhisan yihiin ee QPR.

Zamora ayaa hogaanka u dhiibay QPR ka hor inta aysan gool ay iska dhaliyeen QPR aysan ciyaarta barbaro ku noqonin, lakiin waxaa goolka guusha u dhaliyay kooxda Spurs ciyaaryahan Defoe.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM