afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
9:25 am | Posted by

Faroole oo ka Niyad Jabay Siyaasada Cusub ee Soomaaliya

Madaxwaynaha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya Mudane Xassan Sheikh Maxamuud ayaa Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyed ee Puntland Dr C/rixmaan Faroole waxay wada hadalo badan ku yeesheen Khadka Telefoonka tan iyo markii jagada loo dhiibay Xassan Sheekh.

Madaxwayne Faroole ayaa inta badan Madaxwayne Xassan Sheekh si hoose ugu sheegayay in uu soo magacaabo nin kasoo jeeda deegaanada Puntland maadaama sida uu sheegay deegaanada Puntland ay saamayn xoogan ku leeyihiin Soomaaliya inteeda kale.

Faroole  ayaa Maalmahan Wuxuu ka waayay Madaxwaynaha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya Xassan Sheekh Maxamuud soo dhawaytii iyo hadalkii Macaanaa ee uu oga bartay Madaxwdii oga horaysay kursiga, waxaana sidaa daraadeed uu Go’aansaday Faroole inuu bal u aamuso sheekada inta ay caga dhiganayso.

Inta badan Madaxwayne Faroole marka koonfurta Soomaaliya uu ka waayo Ujeedkii uu doonayay wuxuu markaba wici Jiray Idaacadaha VOA iyo BBC wuxuuna oran jiray shacabka Puntland waa ka tashanayaan aayahooda hadii waxa xamar ka socda aan wax laga badalin, waxaana ay madaxdii waqtigaasi jiray Markaba samayn jireen dhaq dhaqaaq lagu qancinayo Faroole.

Madaxwaynaha Cusub ee Jamhuuriyada Soomaliya ayaa waqtigan u muuqda mid aan dhag jalaq u sin qaylo dhaanta Faroole isla markaana danihiisa iska sii wata iskuna mashquulin ujeedooyinka Faroole.

Sikastaba Siyaasada Cusub ee lasoo baxay Madaxwayne Xassan Sheekh Maxamuud aya waxay saamayn xoogan ku yeelatay Siyaasadii ku qabso ku qadi mayside ee Faroole ku hayay shacabka ku dhaqan Koonfurta iyo barmaha Soomaliya.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM