afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
9:38 am | Posted by

Xogg Hoose: Xassan Sheikh oo ku Dheelay Rajadii Cabdiwalli Gaas

Ayadoo uu shalay Raizul Wasaarihii hore ee Xukuumadii KMG ahayd Cabdiwali Gaas uu Magaalada New york u anba baxay aya waxaa soo baxaya Warar sheegaya in C/welli gaas lagu qamciyay in lasiin doono Wasiir kamid ah Xukuumada Cusub ee laso dhisi Doono.

Cabdiwali Gaas ayaa la sheegay in Maalmahaan uu xusul duub ugu jiray Helisata Xilka Raizul Wasaaraha waxaana la sheegay in Madaxwayne Xassan Sheikh Maxamuud uu kulan la qaatay Hamayn ka hor intii uusan aadan Magaalada New york, waxaana la sheegay in kulankaasi diirada lagu saaray inuu sidii uu iskaga hari lahaa raadinta Raizul Wasaaraha waxaana badalkeeda Madaxwayne Xassan Sheekh u balan qaaday inuu siin doono Wasiirka ay heli doonto Beesha Majeerteen Ahna Raizul Wasaare ku xigeen.

Raizul Wasaarihii hore ee Xukuumada KMG ahayd ee waqtigeedu dhamaaday ayaa Madaxwayne Xassan Sheekh ku qancay dalabkiisa ku aadan inuusan isku mashquulin booska Raizul Wasaaraha taas badalkeedana Xukuumada Cusub uu ku leeyahay Boos muhiim ah.

C/welli Maxamed Cali Gaas ayaa markii hore cabsi xoogan ka qaban inuu boos muhiim ah ka waayo Xukuumada Cusub ee lasoo dhisi doona, waxaana uu taas badalkeeda isku dayay inuu raadiyo Wasiirka koowaad, ugu danbeyntiina waxa lagu qanciyay Wasiirkii ay beeshiisu heli lahayd.

Warar aan ka helnay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaliya aya sheegaya inta uu maqan yahay C/welli Gas in lasoo dhisi doono Raizul Waaaraha isla markaana uu iman doono Marka la gaaro soo xulusta xubnaha Golaha Wasiirada.

Arintani aya timid kadib makii Saddexdii maalmood ee ina dhaafay ayaa Madaxweyne Xasan Shiikh waxa uu fursad ka waayey Cabdiwali Gaas oo iska dhex fadhiyey Xafiiska Madaxweynaha isla markaasna aysan Baratikool ahaan celin kari waayeen Shaqaalaha Xafiiska Madaxweynaha iyo Ciidamadda Ilaalaada,  maadaama uu  sii  hayo xilka R/Wasaare nimo.

Taasi waxa ay keentay in Cabdi Weli Gaas oo si aad ah ula socdo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee Xafiiska Madaxweynaha, sidaa darteed ayaa Madaxweyne Xasan oo ah nin caqli badan, waxa uu ka fakaray qorshe aan la dareemi karin oo uu isaga hor leexiyo Gaas.

Prof. Xasan ayaa sheegay inaanu ka qeyb gali karin shirka QM, sidaa darteedna uu u diray Cabdi Weli Gaas oo iminka jooga Nairobi, kuna sii jeeda New York, si muddada toddobaadka ah ee uu maqan yahay uu u kala tuurto howshiisa siyaasadeed ee gaarka ah.

Cabdiwali Gaas ayaa dhinaca kale waxaa fursadihii uu ku noqon karo R/asaaraha mar labaad is hor taagay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo si weyn uga soo horjeeda in Beesha Cumar Maxamuud ay ku soo noqoto kursiga R/wasaaraha Soomaaliya, isla markaasna Faroole uu jeebka  kala soo baxay Siyaasi ka soo jeeda Qardho.

Sikastaba Madaxwaynaha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa looga fadhiyaa inuu soo magacaabo Maalmaha Fooda nagu soo haya Raizul Wasaarihii afarta sano ee soo socota Dalka la maamuli lahaa Madaxwaynaha iyo Gudoonka Baarlamanka.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM