Wararkii Ugu Dambeeyey ee Soo Magcaabista Raysal Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya (Warbixin Dhab ah)
Waxaa socda dadaaladii ugu dambeeyey ee uu Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya kusoo magcaabaayo Raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa saacadahii lasoo dhaafay waxa uu waday kulamadii ugu dambeeyey ee uu dadka kala tashanaayo cidda ku haboon ee loo magcaabi karo Raysal wasaaraha Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa shalay waxa uu kulan la qaatay siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada waqooyiga Soomaaliya, waxaana uu la kulmay rag ay kamid yihiin Proff. Buubaa, Proff. Cali Khaliif Galayr, Cabdi Kariim Jaama,Proff. Maxamed Cabdulaahi Oomaar iyo siyaasiyiin kale.
Si dhab ah looga oga waxa rasmiga ah ee kasoo baxay kulankaasi, balse waxaa la filaayaa in ay ka wada hadleen sidii ay Madaxweynaha u gala talin lahaayeen masuulka ugu haboon ee noqon kara Raysal wasaaraha dalka.
Waxaa soo baxaaya warar hoose oo sheegaaya in ay ugu badan tahay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu Raysal wasaare u magcaabi masuul kasoo jeeda beelaha Sade Iyo Dhulbahante Ee Daarood balse maaha warar cidi xaqiijisay.
Ragga beelahaas kasoo jeeda ee xilka Raysal wasaaraha loo saadinaayo waxaa kamid ah,Proff Cali Khaliif,Dr Cali Ciise Cabdi, Proff. Doodishe, Cabdi Barre, C/waaxid Cilmi Goonjeex, Maslax Maxamed Siyaad Barre, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo masuuliyiin kale.
Isla wararka hoose ee aan helayno ayaa sheegaaya in soo magcaabista Raysal wasaaraha arrimaha hor taagan ay qayb ka tahay arrinta qabshada iyo maamulidda magaalada Kismaayo oo ay ku muransan yihiin beelaha la filaayo in uu kasoo baxo Raysal wasaaraha cusub ee Sade Daarood iyo Harti Daarood.
Waxaa la filaayaa in Madaxweynahu wakhtiga ugu dhow uu soo magcaabo Raysal wasaare cusub kaasi oo soo dhisa Xukuumad tayo leh oo dalka ka saarto dhibaatada uu kusoo jiray muddada 22-da sano ah.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/Soomaalia
Afbakaylenews@gmail.com
asc waxaloogu qaatey cali ciise cabdi ,waa nin xaga dawladaha ee dhaqaalaha inaga caawin kara ,waa nin afkiisa iyo adinkiisaba aan qabiilooyinka soomali wax ka tirsanayn oo nabad galiyay,waa ninneceb in soomaali mid noqoto ilaa markii uu khaatumo sameeyay waxaa soo muuqatay midnimo soomaali,wali soomaaliland isagoo caayaya lama maqal,putland isagoo caaay lama maqal waa nin caqli sareeya leh oo soomaalinimo,waa nin wayn oo waayo araga ,waa nin madax waynaha la talin kra waa nin wax tusaalayn kara runtii wanin hufan oo soomaali u baahan tahay,,madax waynahana waa uu u baahan yahay nin daacada , dalkuna waa u baahan yahay ,waahdii aan rabno inaan ka baxno dhibaatada somaali haysatamacassalaama
waaa ku jira erey aan khalday waxan ka wadaa waa nin boqolkiiba boqol jecel midnimada soomaaliya cali ciise cabdi
Waxaan ku talin lahaa halaga dhigo dr:cali ciise cabdi
guul guul guul cali ese abdi allah ha xifdiyo isaga iyo cali khaliif galaydh cadawgooda allah ha jabiyo qofkii neceb nacaybka isagu ha is la helo aamiin yaa allah idinkuna aamiin ii dhaha aamiin aamiin aamiin
asc hau hadlin qawiil fiiri shacabka dan dareesan fiiri maslaxada shacabka kuwa gudaha iyo kuwa diwada nin walbo haduu taageero qawiilkiis kama baxeeno dhiwaatada anaga hadaanahay qurba joogto waxaa na anfacaayo nin ale ka baqaayo oo fiirinaayo waxa ka danbeeya inkas too soo maaliya maanta kan wacdinaayo hataa aan la aamini karin waayo waxaay ubateen nin dhuunta wax ka arkaayo ilaahoow mas uulkii qiyaano ku sameeyo umadaan 22 ka sano dhibka kujira ilaahoow qalal ku rit ilaahoow qawo adaa caadil eh aamiin aamiin inshaa alaah