WarCulus: Boob Xoogan ka Socda Xafiiska Raizul Wasaaraha Soomaliya
Xili uu ku maqanyahay Safaro dibada ah Raizul Wasaarihii Hore ee Xukuumadii KMG ahayd C/welli maxamed Cali gaas ayaa waxaa soo baxaya Warar sheegaya in Boob xoogan lagu hayo Hantida Qaranka ee taala Gurigii uu daganaa C/welli Maxamed cali Gaas.
Warar aan ka helayno Xarunta Madaxtooyada ayaa sheegaya in Xafiiskii uu daganaa C/welli gaas Boob xoogan lagu hayo Alaabta taala waxaana sidoo kale Warar hoose sheegayaan in dadka boobka ku haya Hantida qaranka ee taala Xafiiska Raizul Wasaaraha ay yihiin Shaqaalihii Xafiiskaasi ka shaqaynayay oo markii ay maqleen in Gaas uusan kusoo laabanayn Jagada Boob xoogan ku bilaabay hatidii qaranka ee taalay Xafiiska.
Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Alaabta sida wayn loo bililiqaystay ay kamid Yihiin Computeradii iyo alaabtii kale ee Fududayd ee Xafiisku ku shaqayn lahaa hadii loosoo doorto Raizul Wasaare Cusub.
Dadka boobka ku haya ayaa lagu sheegay inay Yihiin Rag ay isku beelyihiin C/welli Gaas kuwaasoo doonaya in Xafiis maran loogu yimado goobta marka la keno Raizul Wasaare, tanina waxay kamid tahay Boobka aan la xisaabtanka lahay ee lagu hayo hantida qaranka eel ala laabtaanka ah.
“ Walaal maalmahaan waxaa ka socda Xafiiska Raizul Wasaaraha wax laga xishoodo oo samaynayaan rag ay isku beelyihiin Gaas”ayuu yiri mid Kamid ah Shaqaalaha Xafiiskaasi oo la hadlayay Afbakayle.com
Raizul wasaarihii hore ee Xukuumadii KMG ahayd gas ayaa haatan ku sugan Dalka Maraykanka halkaasi oo la filayo inuu ka jeediyo Khudbadiisii ugu danbeysay ee uu ku jeediyo Magaca Raizul Wasaaraha Cusub ee Xukuumada Federaalka Soomaliya.