Xog Culus:-Nin Cusub oo Dowlada Kenya Dabada ka Riixayso oo kusoo Biiray Raga Raadinaya Jagada Raizul Wasaaraha
Xili Madaxwayne Xassan Sheekh Maxamuud looga fadhiyo Raizul Wasaraha Cusub ee Jamhuuiyada Soomaliya ayaa waxaa soo badanaya Raga baadi goobka ugu jira Jagada Raizul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaliya.
Cabdullahi Maxamed Axmed wuxuu kamid yahay Aqoonyahanada Soomaliyeed ayaa wuxuu Xiligani Xusul duub ugu jiraa helista Raizul Wasaaraha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya, waxaana la sheegay aqoonyahankani inay daba ka riixayso Dowlada Kenya oo horay ugu fashilantay Qaar kamid ah Raga doonayay in loo dhiibo jagada Raizul Wasaaraha Cusub ee Soomaliya sida C/welli Maxamed Cali Gaas.
Musharaxa oo isagu deegaan ahaan ka soo jeeda gobolada Waqooyi Bari iyo kuwa Waqooyi Galbeed Soomaaliya ayaa ku soo fool leh Magaalada Muqdisho si uu u dhameystiro howlo dhowr ah oo looga baahan yahay musharixiinta u tartamaya jagadaas.
Musharaxa oo hadda jooga caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, kulamo gooni gooni ah la qaatay waxgarad badan oo Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Nairobi, Iyo Dowlada Dalkaasi waxaana kamid ah waxyaabaha ay ka wada hadlayaan sidii cadaadis loogu saari lahaa Madaxwayne Xassan Sheekh Maxamuud inuu jagada u magacaabo isaga.
Mar uu hadlayay ayuu heegay in muhiimadda ugu sareysa uu saari doono xisiloonida dalka, iyo weliba soo celinta anshaxa suuban iyo ka danbaynta sharciga, waxaana go’aanka ugu danbeeya ee lagu magacaabayo Qofka Raizul Wasaaraha laga dhigayo isla leh Xassan Sheekh Maxamuud Madaxwaynaha Cusub e Dowlada Federaalka.
Sikastaba Dowlaa Kenya ayaa Inbadan isku dayday inay Madaxwaynaha Cusub u keento Musharaxiin badan oo ay mrkaasi isleedahay danahiina gaarka ah eek u aadan siyaasada Soomaliya ayaa keeni, karaa, waxaana xusid mudan inay Ragii ay horay u keentay Kenya uu ku gacansayray Madaxwayne Xassan Sheekh
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/Soomaalia
Afbakaylenews@gmail.com