Daawo Sawirada:Beelaha Daarood iyo Hawiye oo kulan ku yeeshay Muqdisho Kaas Oo ay Soo Qaban Qaabiyeen Isimadda Khaatumo
Kulan balaadhan oo ay ka qaybleen Madax-dhaqameedka, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beelaha Daarood iyo Hawiye ayaa ka dhacay Magaaladda Muqdisho ayaa lagu taageerayey isbadalka ka dhacay Soomaaliya iyo sidii nabadgalyo loogu wada shaqayn lagaa waxanaa kulankaas soo qaban qaabiyey madax-dhaqameedka Khaatumo state of Somalia
Kulankan ayaa Diiradda lagu saarayey sidii labadda beeleed ay iska kaashan lahaayeen Amaanka iyo xoojinta Midnimadda Soomaaliya maada dalku iminka galay mar xalad cusub lana filayo in la magacaabo R/wasaare sidaas darteed waxa ay labadda beeleed isla qaateen in la adkeeyo Nabadgal-yadda lagana wada shaqeeyo is dhexgalka bulshadda Soomaaliyeed sidoo kalena dib la isku soo noqdo
kulankan ay yeesheen labadda Beeleed ayaa hormuud iyo horyaalba u noqonaya in Umadda Soomaaliyeed ay dib isku soo noqoto una wada hadasho iyada oo kaligeed ah sidoo kalena wadalka iyo dib u heshiisiinta ay bilaabeen Hawiye iyo Daarood khaatumona ay u tahay gundhiga
Cabdiqani Makhtal Maxamed
Muqdisho Soomaaliya











