DEGDEG: Dabaal dagyo ka dhacaya Muqdisho iyo Dowlada oo ka hadashay warka magacaabista Farmaajo
Risaas iyo Madaafiic ayaa ka dhex Socota Muqdisho haatan, waxaana wadooyinka Muqdisho isugu soo baxay dadwayne iyo Ciidamo Faraxsan oo dowlada ka tirsan, kuwaas oo ay soo gaartay In Farmaajo loo doortay Ra’iisul Wasaaraha Dalka.
2:40 daqiio ama Sideeda Saac ee maantam ayaa waxaa soo shaac baxday in Madaxwaynaha Soomaaliya uu Xilka Ra’iisul Wasaaraha u doortay Maxamad Cabdulaahi Farmaajo, warkaas oo aan caga badan ku taagneen ayaa hal mar Muqdisho iyo Caalamka uu is qabsaday guux farxadeed.
Wadada Lambar Afar iyo Soobe ee Muqdisho waxaa Sujuud ula dhacay Ciidamo ka tirsan Dowlada oo farxad iyo ilmo isku daray, kuwaas oo rasaas hawada u furay.
Warkaan ayaa waxaa baahisay Mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho oo sheegtay in Farmaajo goor dhow loo caleemo saarayo Xilkaaas. Warkaa kadib Muqdisho marxalad Cusub ayay gashay dadkana waa ay isku soo baxeen.
Warbaahintu oo la xiriirtay Xafiiska Madaxwayanha iyo Xisbiga uu ka tirsanaa Madaxwaynaha ee Xisbiga Nabada oo warkaas wax laga waydiiyay jiritaankiisa waa ay ka gaabsadeen.
Lakiin Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa waxaa walba ugu filan in Farmaajo dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin sida Muqdisho maanta mudo saacado gudaheeda ay isku badashay marka warkaas uu soo baxay, waxaa laga yaabaa xitaa hadii Xasan Sheekh Cid kale uu rabay inuu go’aankaas uu dib ugu laabto oo Farmaajo uu xilka Ra’iisul wasaare uu u Doorto.
Agaasimaha Madaxtooyada Dowlada Soomaaliya Suldaan Axmad Faarax Seed ayaa si cad u beeniyay Warkaas oo waxba kama jiraan ku tilmaamay waxaana uu la hadlay Warbaahinta Muqdisho. Hase yeeshee aqriste mid xusuusnow, madaxda wax walba waa ay beeniyaan ilaa ay si rasmi ah ugu dhowaaqaan, waxaana aad ay ugu badan tahay in Farmaajo la magacaabo.