DHAGAYSO: Madaxtooyada dowlada oo beenisay in Farmaajo loo magacaabay Ra’isul Wasaare
Madaxtooyada dowlada Soomaaliya ayaa Goordhow si rasmi ah ubeenisay Wararka sheegaya in Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya loo magacaabay Maxamed C/lahi Farmaajo.
Riix Halkan si aadudhagaysato Waraysiga
Suldaan Axmed Faarax Seed oo ah Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya oo lahadlayay Mid kamid ah Idaacadaha FM-ka ah ee Muqdisho ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid been abuur ah.
Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha uu ku dhawaaqi doono Dhawaan Ra’isul Wasaaraha cusub hase ahaatee ma ahan Farmaajo sida uu hadalka udhigay.
Mar qura ayaa dhagaha dadka waxaa kusoo dhacay wararka sheegaya in Farmaajo loo magacaabay Ra’isul Wasaraaha Soomaaliya.