afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
4:44 pm | Posted by

Jen. C/llaahi Siciid Samatar “Faroole cidna handadaad wax uga qaadi maayo, lamana aqbalayo xili kororsi”

Jen. C/llaahi Siciid Samatar oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Puntland ayaa handadaad iyo wax aan la qaadan karin ku tilmaamay hadal uu shalay Madaxweynaha Puntland ka sheegay magaalada Garoowe, kaasoo ahaa in sharciga la horgeyn doono cid kasta oo sameysa banaanbax looga soo horjeedo xili kordhinta maamulkiisa.

Jen. Samatar wuxuu sheegay in aanu Madaxweynuhu xaq u lahayn inuu hanjabo aysana jirin cid ay wax yeeli karaa isagoo xusay in Puntland la wada dhistay Madaxweyne Faroolena ku yimid hab dimuqraadi ah uusana cidna xoog ku haysan karin.

”Faroole afartii sano ee Madaxweynaha xilka hayey waanu la shaqeynay, hadduu rabo inuu markale soo noqdo ha tartamo oo doorasho ha soo galo” ayuu yiri siyaasigan u taagan xilka Madaxweynaha Puntland Jen. Samatar oo mar ahaa wasiirkii amniga Puntland.

Jen. Samatar waxa uu sheegay in Faroole uu doonayo inuu xilka korarsado taasina aysan marnaba dhaceynin, axsaabta uu ku dhuumanayana ay tahay oo keliya inuu xilka korarsado, waxaana cadeynaynaa ayuu yiri inuu xilkiisu ku egyahay Faroole 9-ka bisha Janaayo ee soo socota, maalin kalena uusan ku darsan karin cid aqbaleysaana aysan jirin.

“Xilka Faroole waxa uu ahaa 4-sano, wuxuuna ku egyahay 9-ka bisha Janaayo ee soo socota, axsaabta uu sheegayana waxaa ka horeeya in marka hore la sameeyo tiro koob, lana calaamadeeyo xuduudaha degmooyinka, intaasi ka horna dadka la heshiisiiyo, waad ogtihiin in weli qabiilada qaar ay hubeysan yihiin, xisbiyada uu Faroole sheegayo waa mid uu ku doonayo inuu xukunka ku dheeraysto, cid aqbaleysaana ma jirto, muddo korarsiga waxaa horay looga diiday dadkii isaga ka horeeyay sida C/llaahi Yuusuf iyo Cadde Muuse, isku daygii kan ka horeeyay ee xilka lagu korarsadayna waa la ogaa dhibkii ka dhacay iyo dhiigii ku daatay” ayuu yiri Jen. C/llaahi Siciid Samatar.

“Axsaabta uu wado Faroole waa axsaab maxlal ah, mana dooneyno axsaab maxlal ah, maxkamad dastuuri ah ma dhisna, didaam dimuquraadi ahna kama jir Puntland, isaga iyo guruubka uu aruursanayana wax dan ah dalka ma wadaan, waxaana ku talineynaa in Isimadu ay dalka badbaadiyaan” ayuu yiri markale Jen. Siciid Samatar oo intaasi ku daray in dhib badan laga soo maray dhismaha maamulka Puntland.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM