Maanta oo la filaayo in lagu dhawaaqo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya (YAA KA MID AH RAGA UGU CAD CAD)
Iyadoo 10-ka bishaan magaalada Muqdisho laguv doortay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa hadana madaxweynaha waxaa laga
sugaayay in uu soo magacaabo ra’iisul wasaarihiisa si loo guda galo howlaha kale ee horyaala dowladda Soomaaliya.
Waxaa la filaayaa in maanta madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu soo magacaabo Ra’iisul wasaare iyadoona ay jirto rag u taagan in ay xilkaasi qabtaan
islamarkaana wadahadalo hoose kula jiray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Hadaba waxaa jirta hadalheen kala duwan oo lagu saadaalinaayo cida ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee xilligaan noqoneysa, waxaana dadkaasi ka mid ah
Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Dr Cali Ciise Cabdi iyo mas’uuliyiin kale oo qurbaha ka yimid.
Sido kale waxaa xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ka soconaaya kulamo kala duwan oo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu la leeyahay qaar ka mid ah siyaasiinta, Xildhibaanada baarlamaanka iyo sidoo kale wax garadka Soomaaliyeed.
Wararkii ugu dambeeyay ee aynu ka helnay xafiiska Madaxweynaha ayaa sheegaaya in maanta laga yaabo in madaxweynaha uu ku dhawaaqo ra’iisul wasaaraha hase ahaatee waxaa laga yaabaa in maanta ay arintaasi dib uga dhacdo.
Wixii Warar Ee ku saabsan Magcaabista Raysal Wasaaraha somaliya Kala Soco Afbakayle.com
Xafiiska Shabakada afbakayle.com
Moqdisho/Somalia
Afbakaylenews@gmail.com