Saraakiish Maamulka Silaanyo Ee Kusugan Laascaaood Oo Bilaabay Inay Lacago Ka urur Sadaan Dadka Kasoo Bara kacay Koonfurta Somaliya (Warbixin)
Waxaa maalmihii ugu danbaysay magaalada laascaanood ka socday baad iyo bililiqo loo gaystay dadka barakacaayasha Ee kasoo Barakacay Koonfurta Somaliya,Kuweasoo Ka ganacsada Gudaha Magaalada Laascaanood.
Masuuliyiinta Somalinad Ee kusugan magaalada Laascaanood ayaa Dadka Barakacayaasha Ee ka soobarakacay Koonfurta Dalka ayaa ugu hanjabay hadii aanay lacagtaas bixin in la xidhxidhayo lana musaaurinayo isla Markaana Lagu Tilmaamayo Ururka Allshabaab Ee Ka dagaalama koonfurta Somalia.
Hawlgalkan lacag Urur siga ah ayaa Waxaa Horboodaya horgal cusub oo lagu magcaabo Faarax cali gurey ayaa horboodi ka ah mashruuca dadka lagu dhibaataynayo.
Horgalkan Oo Dhawaanta Uu Soo Magcaabay Xaabsade ayaa Carcar Xoogan kusoogalay Magaalada Laascaanood,Waxaana Uu hada kabiloway Inuu dadka Shacabka Ee Kasoo Barakacay Koonfurta Soomalia Uu Lacago Madax Furasho ah Uu Waydiiyo.
Mahan Markii U Horaysay Oo dadka Kaganacsada magaalada laascaanood Ee kasoojeeda Koonfurta Soomalia Lacago Noocan Oo Kale ah Ayka Qataan iyagoo ugu han jabaya Inay mutaysan doonaan Xabsi.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Laascaanood/Somalia
Afbakaylenews@gmail.com
Akhriste Fikirkaa Ku Dhiibo Halkan Hoose