afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
5:56 pm | Posted by

C/welli Gaas oo Dhiig kar ka qaaday Warkii Beenta ahaa ee shalay suuqa lasoo galiyay

Ayadoo shalay Ay Magaalada Muqdisho mar qura soo gaareen warar sheegaya in lagu dhawaaqay Magaca Raizul Wasaaraha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa hadana waxaa soo baxaya warar sheegaya in C/welli Gaas Raizul Wasaarihii hore ee Xukuumadii KMG ahayd hadana ah Xildhibaan ka Tirsan Baarlamanka Soomaliya uu arintaasi aad oga xumaaday.

Mid Kamid ah shaqaalaha Xafiiskiisa ayaa Afbakayle.com u sheegay in markii ay gaarsiiyeen wararkii sheegayay in Farmaajo lagu dhawaaqay uu aad iyo aad oga xumaaday isla markaana uu Telfoonka Kku damiyay sidoo kalana warar ayaa sheegaya in uu Qolkisa isku soo xiray.

Mudane C/welli Maxamed Cali Gaas oo haatan ku sugan Magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa la filayaa inuu si deg deg ah dalka ugu soo laabto marka uu soo dhamaado Shirka halkaasi ka socda.

Raizul Wasaarihii hore ee Xukuumada KMG Gaas ayaa la sheegay inuu aad iyo aad oga xunyahay in jagada Raizul Wasaaraha loo magacaabo Farmaajo isla markaana uu doonayay in loo dhiibo shaqsi kasoo jeeda deegaanada Puntland.

Isku soo wada duuboo Madaxwaynaha Cusub ee Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa laga filayaa inuu dhawaan soo magacaabo Raizul Wasaaraha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya.

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM