Dhagayso:-Maamulka Khatumo Oo Digniin Kama Dambeyn ah u Diray Gudi Ka Socda Doorashoyinka Puntland Ee Ku sugan Buuhoodle
Maamulka Khaatumo State Of Somalia ayaa markii u horaysay ka hadlay mas’uuliyiin ka socotay gudiga kumeel gaadhka doorashooyinka ee Maamulka Puntland kuwaas oo iyagu in dhowaalaba ku sugnaa Magaalada Buuhoodle. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha ee Maamulka Khaatumo State Maxamuud Sheekh Cumar Xasan oo ka hadlay socdaalka iyo qaabka ay u yimaadeen mas’uuliyiintani ayaa xusay in Deegaanada Maamulka Khaatumo State aysan ka tirsanayn Maamulka Puntland isla mar ahaan taana ay labada Maamulba waa Puntland iyo Khaatumo State ay yihiin Maamulo daris wanaag ah.Sidoo kale Agaasimaha oo ku qoto dheeraaday imaanshaha mas’uuliyiintani gudaha Magaalada Buuhoodle ayaa ka dhawaajiyey in Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole uu waday in shaqaaqo hor leh ay ka dhalato deegaankani waa sida uu hadalka u dhigaye.
Ugu dambayntii Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha ee Maamulka Khaatumo State Maxamuud Sheekh Cumar Xasan waxa uu ugu baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud in Ra’iisal Wasaaraha cusub ee soomaaliya lagu soo xusho karti iyo aqoon waa sida uu hadalka u dhigaye, isagoona sheegay in Deegaanada Maamulka Khaatumo State ay xaq u leeyihiin in lasiiyo Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Halkan Rii Oo dhagayso Hadalka Agaasimaha
Hadalkani kasoo yeedhay Agaasimaha guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha ee Maamulka Khaatumo State ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan ay yimaadeen mas’uuliyiin ka socota Maamulka Puntland Magaalada Buuhoodle kuwaas oo iyagu waday hawlaha tar tanka axsaabta badan ee Maamulka Puntland.
Wariye Abdirahman Wadani
Email axmedyare1001@hotmail.com