afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
9:58 am | Posted by

WAR SIR AH:- Shaki culus oo la gelinaayo in Farmaajo laga dhigo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Waxaa shaki aan caadi ahayn laga muujinaayaa in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya loo magacaabo Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, iyadoona siyaasiin badan oo Soomaaliyeed ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in marnaba aan Farmaajo laga dhigin ra’iisul wasare.

Xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa ka soconaayo kulamo kala duwan oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu la yeelanaayo
qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana madaxweynaha uu ka laba labeenaayaa in si deg degah uu ugu dhawaaqo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaa ka taagan mixnad aan caadi ahayn, waxaana cid walba ay sugaysaa oo kaliya go’aanka ugu dambeeya ee uu gaaro madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedreaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana la ogeen cida ra’iisul wasaare laga dhigi doono.

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ah kuwo dhegta ay u wada taagantahay waxaana qof walba ay ku hamineysaa in ra’iisul wasaare uu noqdo Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, waxaana la ogeen sida ay arin ku dambeen doonto, iyadoona hadii aan Farmaajo laga dhigi ra’iisul wasaare laga yaabo in dhibaato ay magaalada ka dhacdo.

Maxamed C/laahi Maxamed waxa uu heestaa taageero shacbiyeed, waxaase ka maqan mida beeshacaalamka, laakiinse waxaa hubaal ah hadii uu xilkaan helo in waxbadan oo ka qaban doono marxaladaSoomaaliya oo haatan meel cakiran mareyso.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

1 Comment for “WAR SIR AH:- Shaki culus oo la gelinaayo in Farmaajo laga dhigo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.”

  1. pure somali
    September 26, 2012 - 6:30 pm

    WAXAAN KU TALIN LAHAA IN CIIDANKA XOOGA DALKU AY LA WAREERAAN DAWLADDA OO AF-GEMBI KU SAMEEYAAN HADDII LAGAG DHIGI WAAYO FARMAAJI R.W.
    WAA NINKA KELIYA EE WADANKA WAX U QABAN KARA EE XOOGGA DALKANA
    XAQOODA SIIN LAHAA SI AY DALKANA U DIFAACAAN UNA SOO CELIYAAN KALA DAMBAYNTA.
    HADDII RABITAANKA SHACABKA IYO KA XOOGGA AMA CIIDAMADA LA
    TIX GELIN WAAYO, WAXAA CADDAANAYSA IN WELI DALKU KU JIRO
    GACAN-SHISHEEYE OO AANU XOR AHAYN.

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM