afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
3:20 pm | Posted by

Dalada Haweenka HanaQaad Ee Magaalada Laascaanood Oo Siminaar Wacyigalin ah uqabtay Qaarkamid ah Bulshada Magaalada…

Ururada Samafal Ee Kahawl Gala Gudaha Caasimada Gobolka Sool ee Laascaanood Ayaa Maanta Waxay Soo Qaban Qaabiyeen Siminaar Wacyi Galin Ah Kaas Oo Kusaabsan Dhinaca Cudurka Dilaaga Ah Ee Aydhiska .

Siminaarkan Wacyi Galin Ee Ay Soo Qaban Qaabiyeen Ururka Hanaqaad Oo Iyagu Bartner La Ah Hay,adda NPA Ayaa Iyagu Maanta Uqabtay Siminaar Qaybo Far Badan Oo Kakal Socota Bulshada Kudhaqan Gobolka Sool Kuwaas Oo Isugu Jiray Rag Iyo Dumarba.

Ugu Horay Siminaarkan Ayaa Waxaa Lagaga Hadlayey Siyaabaha Keena Cudurkan Dilaaga Ah Ee Aydhiska Iyadoona Bulshadii Kasoo Qayb Gashay Siminaarkan Wacyi Galin Ee Ay Ururka Hanaqaad Soo Qaban Qaabinaysay Ay Halkaasi Ka Dhiibteen Fikradahooda Ku Aadan Siyaabaha Keena Cudurkan Iyadoona Madashaasi Laisku Dhaafsanayey Su,aalo Iyo Jawaabo.

Siminaarkan Ayaa Waxaa Bixinayey Labo Xubnood Oo Kamid Ah Haweenka Ururka  Hanaqaad Basra Cumar Geele Oo Kamid Ah Xubnaha Ururkaasi Ayaa Iyadu Halkaas Kusoo Bandhigtay Cashar Aad Umuhiim Ah Kaas Oo Kahadlayey Waxyaalaha Uu Cudarkaasi kadhasho Iyadoona Sidoo Kale Halkaas Kusoo Bandhigtay Qodobo Aad Umuhiimsan Kuwaas Oo Lagaga Digtoonaanaya Cudurkaasi.

Dhinaca Kale Caasha C/laahi Oo Iyadu Kamid Ah Xubnaha Urukaasi Ayaa Iyana Halkaas Kasoo Jeedisay Mawduuc Aad Umuhiim Ah Kaas Oo Haa Cudurka  Loo Yaqaan Gudniinka Fircooniga Iyadoona Halkaasi Ugu Horayn Kusoo Bandhigtay Ugu Horayn Meesha Uu Kayimid Cudurka Gudniinka Fircooniga Iyadoona Sheegtay In Uu Cudurkani Uu Asal Ahaan Kayimid Fircoon Oo Kamid Ahaa Nimankii Ilaahnimada Sheegtay Ee Waqtiyadii Hore Joogay Iyadoona Sidoo Kale Halkaas Kasoo Jeedisay Waxa Ay Diintu Ka Aamisan Tahay Gudniinka Fircooniga Iyadoona Sheegtay In Diintu Ay Xaaraantimaysay Cudurkan Loo Yaqaan Gudniinka Fircooniga .

Ugu Danbayntii Siminaarkan Wacyigalin Ee Ay Maanta Ururka Hanaqaad Kuqabteen Magaalada Laascaanood ee Kusaabsanaa Labada Cudur Ee Aydhiska Iyo Gudniinka Fircooniga Ayaa Ugu Danbayn Kusoo Dhamaaday jawi Wanaagsan Iyadoona Halkaas Laisku Dhaafsanayey Khibrado Iyo Waayo Aragnimo.

yuusuf abdi xasan

yuusufcabdi@gmail.com


Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM