afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
4:31 pm | Posted by

Dowladda cusub ee Soomaaliya nin ceenkeen ah ayeey markaan u baahantahay in ra’iisul wasaare looga dhigo.

Waa su’aal aad u da weyn marka laga hadlaayo xilligaan ninka dowladda Soomaaliya ay u baahantahay in ra’iisul wasaare looga dhigo maadaama dalka hadda la doonaayo in is bedal balaaran uu galo waxaana qofka xilligaan noqonaaya ra’iisul wasaare muhiim ah in laga helo shuruudo aad u badan.

Qofka noqonaayo ra’iisul wasaare xilligaan iska soo magacaaw ma ahan hadii aan laga helin qodobo badan oo shaqsigaasi looga baahanyahay ama la doonaayo inuu ahaado, waayo xilligaan laguma jiro waqtigii KMG ahaa waxaana la rabaa in qofkaasi uu ahaado qodobadaan soo socda.

1- In uu yahay nin aqoon leh.

2- In uu yahay nin ay ka go’antahay in Soomaaliya uu wax ka qabto.

3- In uu yahay nin shacabka ay wada taageersanyihiin.

4- In uu yahay nin aan dadka Soomaaliyeed kala jecleesan.

5- In aanu qabiil ku shaqeen ee uu qaran ku shaqeeyo.

6- In dib u dhis uu ku sameen karo dalka.

7- In uu dalka ka saari doono waxyaaba lagu sheego burcad badeed iyo Argagaxiso.

8- Nin dib u heeshiisiinta ka shaqeen kara iyo waxyaabo kale oo aad u muhiim ah.

Hadaba ma jiraa nin intaasi qaban kara misane xilkaasi u taagan, jawaabta ayaa noqoneysa “Haa” waana Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyadoona xilligaan la aamin sanyahay in Soomaaliya oo dhan uu mideen doono, dalkana uu wax u qaban karo.

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/Somalia
Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM