afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
10:06 am | Posted by

Guddiga doorashooyinka Puntland iyo Ciidamo Beeledyo isku rasaaseeyey Rako Ee karkaar

Israsaaseyntaan ka dhacday shalay gelinkii dambe degaanka Rako ee Gobolka Karkaar ayaa waxa ay timid sida wararka naga soo gaaraya halkaasi ay sheegaan ka dib markii ay isku dhaceen Ciidamo ka tirsan kuwa degaanka iyo kuwa Guddiga doorashadda Puntland.

Sarkiisha Caafimaadka Gobolka Karkaar oo la hadlay Warbahinta ayaa waxa ay xaqiijiyeen in ay dhaawaca israsaaseyntaasi ka soo gaartay 2 ka mid ah ciidamo la socday guddiga doorshadda oo doonayey in ay degaanka Rako ka hirgeliyaan goobihii cod bixinta ee doorshooyinka.

Xaaji Maxamed Ciise oo ka tirsan odayaasha degaanka Rako ayaa u sheegay Saxaafadda in aysan marna ogolaan doonin sida uu hadalka u dhigay in degaankooda laga hirgeliyo wax aysan shacabka Gobolka Karkaar raali ka aheyn.

Waxa kale oo uu sheegay Xaaji Maxamed in degaanka Rako iyo tuulooyinka ku dhow dhow ay ka jiraan xaalado biyo la’aan isla markaana aysan raali ka aheyn in ay ku mashquulaan doorsho lagu muransan yahay.

Guddiga doorashada ayaa dhawaan sheegay in la furan karo Xisbiyo siyaasadeed, kuwaas oo laga hirgelin doono degaanadda Puntland bilowga 11, December,2012, balse waxa ay Rako noqoneysaa magaaladii 4aad oo laga diido gudigaan.

Dhawaan ayeey aheyd markii Mudaharaadyo looga soo horjeedo gudigaan ay ka dhaceen Magaaladda Qardho, sidoo kalena degaanka Jariiban oo ka tirsan gobolka Mudug laga diiday, halka Dadka degaanka Waaciye ay iyagga ka horyimaadeen arinta guddiga.

Degmadda Rako ayaa waxa ay ka mid tahay degaanadii dhawaan maamulka Puntland uu ka saaray in ay ka dhacaan Doorshooyinka, hasse yeeshe booqashadda gudiga commishinka ee Rako ayaa waxa ay noqtay mid guul daro ku soo dhammaatay.

Fu,aad karaama Jama
Garoowe/Nugaal
Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM