Mucjiso:- Ciidamada Bishaar Al-Asad oo duugay nin nool oo Ashaadanaya..Daawo Video
Aduun weynaha waxaa ka dhaca mucjisooyin fara badan laakiin wadamada muslika ayaa waxaa ka dhaca sidoo kale sheekooyin naxdin leh, kuwaasi oo ay dadka aduunka ku nool la yaabaan.
Dalka Suuriya ee ay ka socdaan qalalaasha baxaad leh ee lagaga soo horjeedo bishaar Al-asad ayaa waxaa ka dhacday sheeko naxdin leh, kadib markii internetka la soo dhigay nin la aasayo isagoo nool.
Ciidamada daacada u ah bishaar Al-asad ayaa waxaa ay isagoo nool aaseen nin ka tirsan ururka saxafiyiinta ee mucaaradka dalkaasi Suuriya ah.
Halkan Ka Daawo Video-ga Oo ah Mid Naxdinleh
Waxaa la qabtay isagoo wax duubaya waxaana taliye ciidan uu amar ku bixiyey in la aaso ninkaasi isagoo nool kadib markii la garaacay, waxaa intaasi dheer ninkaasi ayaa ashaadada qiray tan iyo markii la aasayey.
Arinta umad badan ka yaabisay ayaa ah markii uu taliyihii ciidanka yiri ” Inta aad Alle baryeyso waa in aad Bari daa Bishaar Al-asad isaga ayaa ka badbaadin kara” balse ninkaasi wuxuu qirayey Ashahaadada oo keli ah.
Ciidamada daacada u ah Bishaar Al-asad ayaa waxaa ay ciida ku rogeen ninkaasi isagoo weli qiraya jiritaanka Eebe iyo in uu Nebbi Maxamed yahay rasuulkiisa, arintaasi oo ka yaabisay muslim fara fara badan oo caalamka ku nool.