Topnews:-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qatiyaan ka taagan qaar ka mid ah siyaasiinta Soomaaliyeed (AKHRISO)
Iyadoo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud laga wada sugaayay in uu soo magacaabo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa hadana waxaa jirta in madaxweynaha qatiyaan uu ka taagan yahay qaar ka mid ah siyaasiinta Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa xalay ka seexan waayay siyaasiin aad u badan misane magac aad u dheer ku leh bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda iyaga oo midba doonaaya in shaqsi uu daneenaayo loo magacaabo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa ku sigtay inuu amro in xalay siyaasiin badan si sharaf daro ah looga saaro xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, laakiinse waxa uu u arkay in iyagaba la weyn doono hadii uu ku dhawaaqo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya inta ka horeesana uu iska sabro.
Xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya maalmahaan dambe jawi ahaan waxay aad uga bedalan tahay maalmihii hore ee aynu kasoo gudubnay, waxaana ku qul qulaaya halkaasi habeen iyo maalin siyaasiin dano gaar ah kala leh.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa dhawaan laga sugaayaa in uu ku dhawaaqo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, iyadoona la hadal haayo in xilkaasi loo magacaabaayo Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.