Wararkii Ugu Dambeeyay Xiliga laga Yaabo in lagu Dhawaaqo R/Wasaaraha iyo Raga ugu cad cad ee isku soo haray
Wararkii ugu danbeyey ee kasoo baxaya aqalka madaxtooyada ee la xiriirey magacaabista Raizul wasaaraha cusub ee Soomaliya ayaa ku waramaya in madaxaweynaha Soomaliya Xasan Sh. maxamuud Calasoow laga yaabo inuu soo magacaabo shaqsiga qabanaya jagadan maalinta sabtida ah ee soo socta inkastyoo laga yaabo in sababa jira owgeedna kasoo hor mariyo.
Ragga loogu hadal haynta badanyahay xiligan xafiiska madaxtooyada ayaa waxaa ka mid ah Saaciid Garaad, oo ah NGOst ganacsade ah, isla markaasna ah ninka qaba Xildhibaan Casha Xaaji Cilmi.
Saaciid oo ay reer ahaan aad isugu dhawyihiin Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa dadka yaqaan ku tilmaamayaan inuusan ahayn shaqsi howl kar ah.
Ninka kale ee aad loo hadal hayo aqalka Madaxtooyada waa ninka lagu magacaabo C/Wali Sheekh Axmed oo kasoo jeeda isla beesha Mareexaan, gaar ahaan reer Ugaas, waxaana dhalay sheekh caan ka ahaan jirey gobolka Gedo.
C/wali wuxuu muddo ka shaqeyeynay bankiga Islaamka xaruntiisa Jidda, lamana oga inta ay le’egtahay kartidiisa iyo inta uu dad aqoon u yahay bulshada Soomalida.
Warku wuxuu intaa ku daraya in uu si rasmi ah ooga baxay tartatanka loogu baratamayo xilka R/wasaaranimada, Maxamed Axmed Sh. Cali Buraale ( Doodishe), oo ka mid ah kooxda Damm Jadiid ee hadda saameynta badan ku leh xafiiska madaxweynaha, sidoo kale lama oga inta ay le’egyihiin fursadaha uu heli karo, Maxamed Barre oo uu xoog u kolkoolinayey hogaamiyaha ruuxiga ahee kooxda Damm jadiid faarax Sh. C\qaadir.
Maxamed Barre ayaa aad isu yaqanaan Faaarax oo ay jamacadda iskala soo barteen Pakistan, laakiin waxaa lagu tilmaamay shaqsi aad u khibrad yar.
Maxamed C/laahi farmaajo, ayaa isna ku jira Liiska raga ugu cad cad ee laga yaabo in loo Magacaabo Raizul Wasaare inkastoo ay jiraan culeesyo dhinacyo badan ah oo horseedi kara in Farmaajo aan mar kale loo soo Magacaabin Raizul Wasaare.
Waxaana laga yaabaa in wax walbo isbadalaan Saacadaha soo socda iyo maalmaha nagu dhaw marka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qaato go’aanka ugu dambeeya uu ku Magacaabayo Raizul Wasaaraha Soomaaliya ,waxaana la saadaalinayaa Ragaan aan soo xusnay midkood in laga yaabo in uu kusoo baxo.
SIDA MUUQATA, WAR FARXAD LIHI KAMA SOO SOCDA MEESHAAS.
NIN WADANI AH OO SOOMAALIYA DAL JIRA KA DHIGI KARA HADDII
LOO DIIDAN YAHAY, WAXBA MEESHA MA YAALAAN EE NIN WALIBA
HA KA DANAYSTO, KII QURBE U DIYAAR GAROOBI LAHAA IYO KII
GOBOLKII UU KA DEGGANAA GEESKA AFRIKA SII XAADHXAADHAN LAHAABA.
FARMAJO IYO CALI CIISE ABDI MIDKOOD HADAAN LA DOORAN WAXBA
SOOMAALIYA U HAGAAGI MAAYAAN.WAANA DHUL LA HAYSTO.
BAARLAMAANKII CUSUBAANA MA HALKAASUU WAX BARINAYAA.
TOLOW DADKANI MA SUN BAY CABAAN.
MAANTA WAXAA LA MOODAYEY IN BAARLAMAAN WADA METELAYA
BULSHADA QAYBEHEEDA KALA DUWAN LA SOO DOORTAY OO DALKA
KA SAARI KARA DHIBAATADA, RABITAANKA SHACABKANA TIX GELIN DOONA, MISE MEDIA AYAA KA BEEN SHEEGAYA XAALADDA DHABTA AH?.