Dhagayso:-Faroole oo lagu eedeyey in ay waddo qaldan u marayso nidaamka Dimuqraadiyada ee haatan ka socda deeganadaasi.
Abdiraxman Sh Maxamed Xasan (Gablax), oo ah aqoonyahan reer Puntland ah isla markaana ah Musharax u taagan in uu tartamo xilka Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u weeraray qaabka Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole qaabka uu doonaayo in uu xilka u dheeraysto isaga oo u maraya wadadii ay u mari jireen keligii taliyaashii hore ee afka ciida loo daray.
Musharaxa ayaa ka sheekeeyey qaabka dimoqraadiyeyntu u baahan tahay in ay tahay waddo cad ee aysan ahayn koox yar oo isku xiran wax ay samaystaan taas oo ay huwiyaan magaca dimoqraadiyad si ay xukunka u dheeraystaan.
Halkan Riix Si,aad Udhagaysato Hadalka Gabalaax
Xafiiska Shbakada Afbakayle.com
Boosaaso/Bari
Afbakaylenews@gmail.com