afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
1:17 pm | Posted by

Dibadbaxyo Ka Dhacay Waaciye iyo Ciidamada Saracen oo Dad halkaas Ku xidhxidhay{Warbxin)

Waxaa maalinimadii shalay [27-09-12] gaaray magaalada Waaciye ee Gobolka Karkaar ciidamo ka tirsan shirkada Saracen, ciidamadan oo ku hubeysnaa 5-gawaarida dagaalka ah, ayaa waxaa watay sarkaalka lagu magacaabo Cali Afadalow.

Gelinkii horena waxaa degmada Waaciye isugu soo baxay dadweyne careysan oo u badan ardayda dugsiyada magaalada, iyagoo ka gadoodsan barnaamijka dowlada Puntland ugu magac dartay geedi socodka iyo dimoqraadiyeynta Puntland.

Dibad baxayaasha oo lagu qiyaasay 2000 oo qof waxay ku dhawaaqayeen hadalo carro leh oo ka dhan xukuumada Puntland, iyagoo uga digayey in dowladu aysan isku dayin inay muddo sanad ah xukunka ku korosato, si aan dhibaato iyo dagaal sokeeye mar kale Puntland uga dhicin, iyadoo maanka lagu hayo dagaladii lagu riiqday ee Puntland ku dhexmaray sanadkii 20o1-dii taageerayasha Jabhadii GBP iyo maamulkii Puntland oo uu madaxweynaha ka ahaa AHN marxuum C/laahi Yusuf Axmed.

Ciidamada uu watay Cali Afdalow waxay kaloo isla maanta tageen degmada Sheerbi, iyagoo sida la sheegayo dhowr qof ka kaxaystay magaalada inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in dadkaasi dib loo soo celiyey, kadib markii su,aalo la weydiiyey.

Xaalada degmada Waaciye ayaa haatan degan, iyadoo maleeshiyo deegaanka ah ay dhanka koonfureed ee magaalada isku aruursadeen, kadib markii ciidamada Boosaaso kasoo kicitimay ay ku ekaadeen oo kaliya saldhiga booliska ee Waaciye.

Ciidamadii uu watay Afdalow ayaa dib ugu noqday magaalada Boosaaso, kadib markii Roob mahiigaan ah ku da’ay nawaaxiga degmada Waaciye.

Maamulka Puntland ayaa xiisada ka taagan Waaciye markii hore u xilsaaray sarkaal sare oo lagu magacaabo Abdulqadir Axmed Khayr [BASHKA] oo ka howlaga degmada Qardho, balse sababo jira awgood sarkaalkan ayaa ka cudur daartay inuu gaaro degmada Waaciye.

Dhanka kale Xildhibaan kale oo ka tirsan maamulka Puntland oo isagu kamida tiro xildhibaano ah oo kasoo baxsaday Garoowe ayaa Warbaahinta u sheegay in maamulka Puntland uu Eed dusha uga saaray markii ay diideen kana hor yimaadeen in 27 degmo oo kaliya loo aqoonsado degmooyinka laga hirgalin karo doorashooyinka golayaasha deegaanka, islamarkaana laga furan karo axsaabta siyaasiga.

Xildhibaankan ayaasheegay in Puntland ay abaabushay eedeymo iyaga ka dhan ah, sida inay wax ka maleegeen dilkii loo geystay AHN Marxuum Sheybe Sheekh maxamuud oo dhowaan lagu dilay magaalada Garoowe.

Xildhibaanadan ayaa ka hor dhaartay xeer-ilaalinta dembiga beenta iyo mu’aamarada ah ee lagu soo oogay.

Isku soo duuboo waxaa degaamada Puntland ka jira kacaan dhiig cusub ah oo dalka loogu gogol xaarayo isbedel waayihiisa iyo wakhtigiisa wata marka lagaaro sanadka 2013 oo reer Puntland u noqon doono sanad isbedel cusub iyo hogaan cusub uu ka hana qaado Puntland, sida dad badani oo isbedel doon ahi kuu sheegayaan.

Horay magaalooyin ay kamid tahay Qardho ayaa dibadbaxyo waaweyn uga dhaceen, iyadoo taayiro dab la qabad siiyey, waxaana magaalada ku khasbanaaday inay isaga huleelaan guddiga commishinka Puntland oo beryahaas booqanayey Qardho.

Sidoo kale nin si weyn deegaanka looga qadariyo oo lagu magacaabo Nabadoon Afdiinle ayaa VOA u sheegay inay ka xun yihiin sida dowlada Puntland sharciga u garab mareyso, isagoo sheegay in aan la aqbali karin in xukuumadu sanad xaaraan ah ku darsato wakhtiga Mandate-keeda.

Lama saadaalin karo halka arrimuhu ku dambayn doonaan, iyadoo markii xukunka loo dhaarinayey Madaxweyne Faroole 8-JAN. 2009 ay dad badani odoroseen inay adkaan doonto in madaxweyne Faroole si dimoqraadiya sida madaxweynihii isaga xilka ku wareejiyey oo kale uu masiirka iyo talada dalka si silmi ah dib dadweynaha ugu celin doono.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM