War Deg Deg Ah:Dagalkii Ugu Xumaa Oo Ka Socda Magalada Kismaayo
Waxaa Saakay Dagaal aan caadi aheyn oo cir iyo dhul iyo Bad uu ka qarxay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.
Dagaalka oo ahaa mid qorsheesan mudana la dajinayay ayaa saakay qarxay kadib markii Ciidamada Huwanta ay Magaaladaasi kasoo galeen Dhinaca Badda oon laga filaneyn.
Xaalada ayaa hada ah mid dagaal waxaa soconaya Madaafiic cir dhul iyo Bad ka dhaceysa , xaalada ayaana ah mid dagaal ,Magaalada ayaana dhawaqa la malayo kaliya tahay Gantaalo iyo Rasaas Culus.
Ciidamada Soomaaliya ,kuwa Kenya iyo Ciidamada Raaskanbooni ayaa gudaha u galay Qeybo kamid ah Magaalada Kismaayo gaar ahaan dhinaca xeebta ayaa la sheegay in ay kasoo galeen Kismaayo.
Dagaalka iyo xabadu hadda waxaa ay ka dhaceysaa xaafadaha Buulo-Abliko, Madaxtooyada iyo Jaamacadda magaalada Kismaayo, waxaana muuqanaya in Shabaab difaacyadoo qaarkood la jiiray.
Xeebta Kibooro waxaa ku suggan Maraakiib waaweyn oo Ciidamo ku soo daad gureenaya xeebta si ay dagaalka uga qeyb qaataan.
Ciidamada Dhulka ayaa sidoo kale Magaalada kusoo wajahan si ay qeyb weyn uga qaataan Dagaalka saakay Kismaayo ka holcaya.