afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
11:48 am | Posted by

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalada Kismaayo kasocda Cida Gacanta ku heysa Magaaladaasi iyo Gawaari Dagaal oo la gubay

Waxaa Wali Dagaalo Culus ka soconayaan Magaalada Kismaayo iyo duleedkeeda halkaas ay ku dagaalamayaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya ,kuwa Raaskanbooni iyo Ciidamada Kenya oo dhinac iyo Xarakada Al-Shabaab.

Dagaalka xoogiisa ayaa hada kasoconaya Deegaanka Birta Dheer ee Duleedka Kismaayo halkaas ay ku dagaalamayaan Ciidamada Huwanta ah oo kusoo jeeda Magaalada Kismaayo iyo kuwa Shabaab oo iyaguna doonayaan in ay hakiyaan.

Dagaalka ayaa ah mid soconaya Wararka qaar ayaana sheegaya in Ciidamada Huwanta ah ay hore usoo dhaqaaqeen walina Shabaab isku dayayaan in ay Dagaal culus ku hakiyaan si uusan Culeeska Kismaayo hada kasaaran usii kordhin.

Shabaab waxa ay sheegeen in labo kamid ah Gaadiidka Dagaalka Ciidamada Huwanta ah in ay gubeen kadib markii ay Miino u dhigeen ayna la qaraxday Xili ay kasoo dhaqaaqeen Deegaanka Birta Dheer ee Duleedka Kismaayo.

Dhinaca kale Dagaalo Goos goos ah iyo Duqeymo ayaa kasoconaya Qeybo kamid ah Gudaha Kismaayo gaar ahaan Dhinaca Xeebta ay saakay kasoo galeen Ciidamada Huwanta ah iyagoona ku sugan Qeybo kamid ah Magaalada Kismaayo.

Ciidamada Huwanta ah ee Kismaayo kusugan ayaa dhiganaya Difaacyo , iyagoona kala kulmaya Shababa dagaalo culus ,waxa ayna Ciidamadan oo kaashanaya Maraakiibta dagaalka Gantaalo culus ku garaacayana qeybo kamid ah Magaalada Kismaayo.

Xaalada ayaa ah mid kacsan waxaana inta badan Magaaladaasi wali gacanta ku haya Al-Shabaab ,waxaana laga cabsi qabaa in saacadaha soo socda ay Dagaalada sii xoogeestaan maadama Ciidamada Huwanta dhoor jiho kaga soo wajahanyihiin Kismaayo halka Shabaabna ay Gurmadyo ku daad gureenayaan Magaaladaasi.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM