afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
10:43 am | Posted by

Beesha Yusuf Daarood Ee Awrtable oo ka soo saartey warmurtiyeed maamulka Puntland.

Ku: Dawlada Federaalka Soomaaliya
Ku: Dhamaan issimada beelaha degan Puntland.

Ujeedo: Badbaadinta Maamulka Puntland

Shirar iyo wadatashiyo Beesha Yuusuf Daarood (Awrtable) uga socday gudaha iyo dibada bishaan aynu ku jirno ee September 2012, oo ay ka soo qaybqaateen Issimada, aqoonyahanka, waxgaradka, culumaa’udiinka. haweenka iyo dhalinyarada beesha waxaan ka soo baxay go,aamadan iyo bayaankan soo socda:
Markay beeshu aragtay sida maamulkii Puntalnd gacanta ugu galay shaqsiyaad kooban oo aan si buuxda u matali karin ummada reer Puntland.

Markay beeshu aragtay sida beelaha SSC uga baxeen maamulka Faroole, una samaysteen maamulka KHAATUMO.

Sidaa si lamid ah qaybo kamida Gobolada Bari iyo Mudugna ay ku dhawaaqeen inay ka furteen Maamulka wakhtigiisu sii dhamaanayo ee Cabdirahmaan Faroole.

Markay beesha dareentay baahida loo qabo isu raadinta iyo dib u midaynta beelaha reer Puntland .

Markay beeshu aragtay sida xaqdarada iyo boobka ah ee loogu habsaday dhaqaalihii Puntland iyo jagooyinkii Dawlada.

Markay beeshu aragtay sida Maamulka Faroole wadanka u soo galiyay Shirkado Shisheeyo oo calooshood u shaqaystayaal ah, Aduunkana black list kaga jira, kuwaas oo aan ilaa hadda la ogayn waxay wadanka kaqabtaan, Isla markaasna Barlamaanka aan lasoo marin.

Markii Beeshu aragtay in waqtigii ka dhamaaday maamulka C/raxmaan Faroole lana sameeyay qorshayaal been ah oo la doonayo in waqtiga lagu kororsado,kuwaasoo Dastuurtana aan meelna kaga qorneen, si ummada loogu jaahwareeriyo.

Waxay Beeshu Go’aansatay Beelaha kalana ugu baaqaysaa:

1. In laysu raadiyo beelaha Puntland lana sameeyo dib u heshiisiin iyo turxaan bixin run ah.
2. Si taas loo fuliyo in Shir deg deg ah isugu yimaadaan Beelihii dhistay Maamulka Puntland 1998.

3. Beeshu waxay go’aansatay inta reer Puntland dib isugu imaanayaan inaanay ka sii mid ahaan maamulka Jiritaan beelay ee Faroole hogaanka uhayo.

4. Beeshu waxay soo dhawaynaysaa nidaamka Xisbiyada badan iyo in laga gudbo Baarlamanka Fadhiidka ah ee lagu soo xulijiray qaab beeleedka aan ku saleysan sharciyad iyo cadaalad, balse beeshu waxay cadaynaysaa in mudadaas kooban ee 3da bilood ah aan lagu hirgalin karin Xisbiyo iskudayga Faroolena ay tahay cimri dheeraysi aan la aqbali karin.

Digniin:

1. Beeshu waxay walaac kamuujinaysaa Nidaamka Federalsm-ka, in sidii loogu talagay mahane si kale loo is ticmaalo taas hadii ay dhacdana Beeshu waxay kasoo horjeensaysa Nidaamka Federalka maadaama Beelo badan oo reer Puntland ah ay ku dulman yihiin.
2. Beeshu waxay ka digaysaa in maamulka hada jiraa aanu isku dayin wax muda kororsi ah iyada oo laga wada dheregsanayahy natiijada ka soo baxdey shirkii dastuur ku sheega oo dadkii kasoo qayb galay u badnaayeen staff-ka iyo askarta C/raxmaan Faroole., kuwaasoo laga soo abaabuley aqalkiisa.
3. Waxaa cawaaqibka iyo Mas,uuliyada ka dhalata mudo kororsiga la wado qaadi doono cid kasta oo gacan siisa damiicigaas guracan.
4. Hay’adaha iyo Dawladaha caalamka waxaan ugu baaqaynaa inaysan wax heshiis ah la gali karin cid Maamulkii Puntland la oranjiray matalaysa ayna ixtiraamaan Dustuurka Dawlada Federalka Soomaaliya, islamarkaana looga dambeeyo wax kasto hada kadib Dowlada Soomaaliya ee curatey.
5. Beeshu waxay beelaha Punland ugu baaqaysaa in maanta Puntland la badbaadiyo, lagana hortago wax kasta oo keeni kara dhib iyo colaad la dhex dhigo dadka walaalaha ah.
6. Beeshu waxay ugu baaqaysaa musharaxiinta faraha badan ee u taaagan xilka madaxtinimada Puntland inaan wadanka qalalaase la galin cid waliba barnaamijkeeda siyaasadeed si nabadgalyo ah u soo bandhigto.
Ugu dambayntii Beeshu waxay isku raacday inay kalsoonida kala noqoto xukuumada Faroole aysana jirin cid u matasha Maamulkaas Ilaa inta doorashada lasugayo ee mudo 3 bil kadib qaybsoomi doonta , Shakhsiyaadka ku jirana ay danahooda shakhsi uga mid yihiin taliska Faroole, oo aysan ku joogin rabitaan iyo matalaad ay matalaan beesha Yusuf Daarood (Awrtable) ee sharafta badan.

Nabadoon AbdiKhaliif Mohamed Aden
Nabadoon Ahmed Muumin Cumar
Nabadoon Ciise dhagay Mohamud
Nabadoon Cali Faarax Cali Seed
Nabadoon Ahmed Aaden(Howle)
Nabadoon Aaden Warsame Ilsagaaro
Nabadoon Mohamed Xaaji Mohamud
Caaqil Carten Xaaji Jicmale
Caaqil Cawiif Mohamud Cawaale
Caaqil Ahmed Sheikh Aden Guudcad
Caaqil Ahmed Geftin Yusuf
Caaqil Abdiraxmaan Aaden Galaal
Caaqil Yaasiin Mohamed Takhtar
Caaqil Mohamed Ahmed Saalax
Dr Abdiasis Nuur Xirsi
Dr Mohamed Aden Dhagaweyne
Dr Osmaan Mohamed Xarare
Dr Makhtal Mohamed Koofuroow
Dr Abdiraxmaan Mohamed Cunaaye
Dr Abdulqaadir Mohamed Warsame(Jiniboqor)
Dr Osman Xassan Waqooyi
Dr Mahdi Abdiraxmaan Odeycad
Dr Ahmed Jama Abdiraxmaan
Dr Bashiir Xaaji Diiriye Hesri
Dr Abdiasis Mohamed Abuuraas
Prof Abdirisaaq Ahmed Hussein
Prof Husein Mohamed Abdi
Prof Saciid Mohamed Yusuf(Saciid Profesor)
Eng Mahdi Dahir Sheikh Nur
Eng Abdihamid Jama Yare
Eng Cumar Abdulle Mohamed(Cumar Dheere)
Eng Abdulaahi Faarax Hesri Dhuko
Eng Daauud Mohamed Abdulaahi
Eng Mohamed Aaden Goows
Generaal Mohamed Husein Dauud(Xiirane)
Colonel Abdulaahi Mohamed Warsane (Aflahaare)
Colonel Xassan Caabi Moamed
Colonel Mohamud Sheikh Aden
Colonel Abdiraxmaan Aden Dhere
Colonel Abdiladiif Aw Mohamud(Gamaandhe)
Xaaji Saleebaan Ahmed Mohamed
Xaaji Daahir Hassan Mohamud(Daahir wariiri)
Xaaji Mohamed Jama Saalax
Md Mohamed Muumin Cumar
Md Mohamed Kulmiye Warsame
Md Tahliil Hersi Warsame
Md Khaliif Jaamac Abdulle Gaabo
Md Abdulaahi Aaden Mohame(Koolac)
Md Mohamed Mohamud Ooji
Md Yaasin Xassan Gurey
Md Abdinur Jama Xassan(Basse)
Md Yuusuf Ahmed Bayle
Md Abdiwaaxid Xassan Faarax
Md Abdirisaaq Cali Af’bashe
Md Mohamud Abdi Yuusuf(Gaafaa)
Md Mohamed Abdi Hussein(Afgaab)
Md Mohamed Aaden Samakaab
Md Cali Cabdulle Ismail(Cali-Caymid)
Md Mohamed Abdi Joornal
Md Ahmed Jigre Hassan
Md Abdisaciid Abdi Mohamed(Abdiqaylo)
Md Idiris Mohamed Khalaf
Md Cali-Nuur Jamac Dheere
Md Abdinur Jamac Gurey
Md Cilmi Yusuf Hassan(Gasaawe)
Md Bagaaje Cumar Jirac
Md Shiine Ciise Muuse
Md Abdiraxmaan Sheikh Farax
Md Hersi Jama Gaani
Md Mohamed Abdikarim SheikhCumar
Md Mohamud Sheikh Aaden
Md Makhtal Mohamed Koofuroow
Md Abdirisaaq Cali Salad
Md Cali Digriiyow Ahmed
Md Cali Faarax Aaden
Md Huuseen Mohamed Aden(Hussein Jeeg)
Md Hassan Abdi Madoobe
Md Abdi Khaliif Abdulle(Inna sanyar)
Md Abdinaasir Osmaan Qalwayn
Md Mohamed Saciid Cali(Dhagaxtuur)
Md Abdiraxmaan Khaliif Saciid
Md Saacid Mohamud Indhamadoow
Md Kaamil Hussein Cidi libaax
Md Saciid Ahmed Mohamed(Ciid)
Md Abdirisaaq Sheekh Mohamud
Md Saacid Ciise Abdi(Warmooge)
Wabilaahi towfiiq.
Dr. Ali Osman Fu’aad
qalanjay2010@hotmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM