Daawo:-Madaxda maamulka Khaatumo State ayaa digniin Kaba dambays ah u jeediyey maamulka Puntland
Shir Jaraa,id Oo Ay Siwada Jir Ah Uqabteen Madaxda Maamulka Khaatumo State Oo Kala Ah Madaxwayne Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhasheek) Iyo Waliba Madaxwayne Axmed Cilmi Cismaan Axmed (Karaash)Ayaa Waxay Kaga Hadleen Fara Galin Uu Maamulka Puntland Kuhayo Qaybo Kamid Ah Deegaanada Maamulka Khaatumo State Of Soomaaliya.
Iyadoona Isla Markaana Baaq Kama Danbays Ah Udiray Maamulka Puntland Sheegayna In Maamulka Khaatumo State Of Soomaaliya Uusan Udulqaadanayn Arimahan.
Kadib Markii Masuuliyiin Kasocoto Gudida Doorashooyinka Maamulka Puntland Ay Soo Gaadheen Qaar Kamid Ah Gobolada Sool Iyo Cayn Kuwaas Oo Doonaya Ayay Yiraahdeen Inay Filimaan Kaduubtaan Sheegaana In Shacabka Gobolada Sool Iyo Cayn Ay Taageersanyihiin Maamulka Puntland.
Iyadoona Ugu Danbayn Ay Ugu Baaqeen Madaxda Maamulka Khaatumo Dawlada Soomaaliya Iya Caalamka Inay Wax Kaqabtaan Arimaha Gardarada Ah Ee Ay Maamulka Puntland Kawada Deegaanada Maamulka Khaatumo State.