DAAWO+SAWIRO:-Fashilkii Maanta Kudhacay Ciidamada Siilaanyo Ee Soogaadhay Deegaanka Kalshaale Ee gobolka Cayn
Shir la damacsanaa maanta in lagu qabto degmada Qorulugud oo la kashifey, Shirkani oo ay damacsanaayeen inay a qabsadaan Deesha degta degmada qorulugud Iyo Saleebaan Xaglotoosiye Iyo Wafti uu wato.
Shirkan ayaa ahaa saaka mid ay ku baraarugeen bulsha weynta reer Buuhoodle, Yadoo markaasi ay ka dhacdey gudaha magaalada Buuhoodle kacdoon balaadhan.
Kadib markii ay kolonyeysteen Maleeshiyo uu wato Saleeban Ciise Axme”Xaglotoosiye” Iyo Wafti uu wato, Ayaa waxa ka war helay bulshada ku dhaqan magaalada Buuhoodle iyo Ciidamada Xaquldirirka ah ee ku sugan gudaha magaalada Buuhoodle, Halkaasi oo markii danbe talaabo cad laga qaadey shirkaasi iyo talo mideysan oo isla daqiiqadihiiba lagag soo horjeestey Arinka Foosha Xun ee waftigan ku kaceen.
Waxaa la sheegay in shirkaas Saleebaan Ciise Axmed”Xaglotosiye” Waftiga uu watey ay ku qabsadeen gudaha baliga Kalshaale, Intii uu shirkaasi socdeyna waxaa isasa soo abaabuley Ciidamada Xooga ee magaalada Buuhoodle, Yadoo halkaasi lagu weerarey Hubka CulCulis ee loo yaqaano 105ta”Madaafiic”.
Duqeyntan ayaa la sheegay in markii danbe uu shirkaasi noqdey mid lagu kala tago oo nin ba meeshii u fiigi karo u fiigo, Waxaa daqiiqadihii danbena Watigan yagu watey shirka Tuugeysiga ah ay u kala fiigeen xaga degmada Qorulugud.
Hadaba waxaa sidoo kale warbixin dhaba naloogu soo gudbiyey in waxyeelo ay u geysatey duqeyntaasi degmada Qorulugud, Yadoo halkaasi la sheegay in ay u fiigeen Xaglotoosiye iyo Horgaladiis.
Dhankale xili ay ahayd 3:00pm ayaa waxa soogalay gudaha magaalada Waftigan uu watey Saleeban Cadow-Toosiye oo sikugu jirey Horgalo , Yadoo la sheegay in intooda badan Cuqaashan la khaldey oo markaasi hadalka loogu dhigey Beel Kaliya inay la kulmayaan.
Hadaba waxaa galabta ka dhacay gudaha magaalada Buuhoodle, Gadood balaadhan oo ay geysteen bulshada ku dhaqan gobolka Cayn ooay markaasi kaga soo horjeedeen, Shirkan iyo Waftiga wadatey.
Kacdoonkii shacabka ee maanta galinkii danbe ka dhacay gudaha magaalada Buuhoodle ayaa sababey in shacabka reer Buuhoodle ay gacan iyo xabad ula tagaan Cuqaashii yagu watey hawshan ee markaasi ku raacsanaa Xaglotoosiye.
Waxaana ay shacabku geeysteen yaga oo is jifi jifeeynaya in beel walba ay soo qabsadaan ninkooda la socda Cadow-Toosiye Saleeban iyo Horgalada SNM ee kale .
Hadaba hoos ka daawo sawirada aan idiinka hayno kacdoonkii galabta ee ka dhacay gudaha magaalada Buuhoodle.
Xigasho allssc
Allssc News Desk/
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
kalshaale7@gmail.com
Buuhoodle G/Cayn.











