XOG. Madha’baa in Raisul wasaare loo magacaabay Farmaajo Xukuumaduna ay ka cabsaneyso inay dhacaan Foodooyin ???
Wararka laga helaayo Qaar katirsan Xukuumadda Somalia ayaa sheegaya in Xukuumadda Cusub Ay Raisul wasaare u magacawday Maxamed C/llahi Farmaajo oo isagu horay usoo qabtaya Xilka Raisul wasaaranimo.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheikh uu Raisul wasaare u magacaabay Farmaajo islamarkaana Madaxweynaha uu doonayo in xilkaasi aan la shaacin si fududna looga war helo in Farmaajo uu Raisul wasaare yahay iyada oo xukuumada ka cabsaneyso in Banaanbaxyo iyo dabaal-degyo ay isugu soo baxaan Shacabka taageersan Mudane Farmaajo.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Taliska AMISOM ay Madaxweynaha ku wargalisay in Hadii lagu dhawaaqo magacaabista Farmaajo inta badan Magaalada Muqdisho ay ka dhici doonaan Banaanbaxyo taasina laga yaabo inay soo dadajiso Foodoyin islamarkaana Amaanka uu noqdo mid faraha kasii baxa … Sida laga soo xigtay Masuuliyiin katirsan Dowladii hore shariif.
Xukuumada ayaa sidoo kale Rajeyneysa in Magacaabista Farmaajo ay si dadban ugu shaaciso Warbaahinta Media and Tv-yada lagana gudbo in si rasmi ah Xaflad loo qabto loogana shaaciyo magacaabista maadama AMISOM ay sheegtay in Banaanbaxyada lagu taageerayo Farmaajo ay sababi doonto in amaanka uu faraha ka baxo islamarkaana Qaraxyo iyo dilal iswata ay dhacaan.
Ugu danbeyntii Masuuliyiin katirsanaa xukuumadii dhacday ayaa laga xaqiijinaaya in Raisul wasaare loo magacaabay Maxamed C/llahi Farmaajo Magacaabistiisina si fudud loogu shaacin doono warbaahinta si looga gudbo Foodoyin wata qaraxyo iyo dilal
Xafiiska shabakada afbakayle.com
Moqdisho/Somalia\
afbakaylenews@gmail.com