Faah Fahin: Qarax Qasaaro gaystay oo saaka ka dhacay Xaafada Islii
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo goordhow oo saakay ah ka dhacay Kaniisad kutaal xaafada Islii ee Magaaladda Nairobi.
Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in dhowr qof oo shacab ubadan ay ku dhaawacmeen qaraxaas, lamana soo sheegin in ay jiraan wax dhimasho ah.
Waxaa la sheegay in qaraxaas ay gaysteen rag ka tirsan ururka allshabaab ah waxaana uu ahaa bambo nooca gacanta laga tuuro ah oo lala bartilmaameedsaday kaniisad lagu magacaabo St Polycarp’s ACK oo kutaal jidka Juja Road ee xaafada Eastleigh, Nairobi.
“Dadka ubadan ee dhaawacmay waa caruur kusugnaa kaniisada, waxaana loola cararay isbitaalka Guru Nanak hospital”ayuu sheegay qof aan lahadalnay.
Taliyaha Booliska Nairobi Mr Moses Ombati ayaa sheegay in qasaaraha qaraxaas uu ilaa iyo haatan yahay dhaawac oo kaliya.
“Ilaa iyo haatan, waxaan xaqiijin karnaa dhaawaca hal canug ,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Nairobi Mr Moses Ombati oo lahadlay Nation.
Sargaalkan ayaa sheegay in dhaawacyo kale ay jiraan hase ahaatee dadka oo isbuurtay uu ka dhashay.
Howlgal xooggan ayaa ka soconaya xaafada uu qaraxa ka dhacay ee Juja Road, iyadoona ciidamada ay halkaas baaritaano ka wadaan.
Xafiiiska Shabakada Afbakayle.com
Nairobi/kenya
afbakaylenews@gmail.com