afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
9:04 am | Posted by

Faroole oo ku Daalay Da’daalkii lagu Raadinayay Raizul Wasaaraha

Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr C/rixmaan Faroole ayaa ku daalay da’daalkii uu ku doonayay inuu Jagada Raizul Wasaaraha  helo nin kasoo jeeda Deegaanada Puntland.

Faroole ayaa da’daal xoogan ugu jiray inuu booska Raizul Wasaaraha loo magacaabo nin kaso jeeda Puntland si ay siyaasada Puntland ee ku wajahan Koonfurta Soomaaliya  u noqoto mid taaba gasha isla markaana hadba dhankii ay doonaan u jiitaan.

Faroole oo si aan ka warhayno Fashilkii ugu badnaa ee ku dhacay Dowladii KMG ahayd ee uu madaxda ka  ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed kaalinta koowaad ka aha ayaa haatan wuxuu yahay mid howl gab ka noqday siyaasada Cusub ee uu wado Madaxwayne Xassan Sheekh Maxamuud.

Marka la eego siyaasada Cusub ee ay lasoo baxeen Kooxda imika Talada haysa ayaa waxay tahay mid ka duwan siyaasadii horay looga bartay Siyaasiyiinta Soomaalida, waxaana mooda inay doonayaan in waji cusub e ka duwan tii dalka lagu maamulayay lasoo baxan.

Faroole Madaxwaynaha Puntland ayaa isagu ah nin aan arintaasi ku jacsanayn isla markaasina doonaya inuu hadba dhan kuu doono dowlad uu urogi karo meesha keeno si aan awoodiisa loo wiiqin.

Madaxwaynaha Cusub iyo kooxdiisa aya waxay yihin kuwa iyagu il gaara ku eegaya howlaha Faroole isla markaana xog wayn ka haya Fashilkii ku dhacay Dowladii hore ee KMG ahayd ee horseedka u ahaa Faroole inay Fashil ku dhamaato howl walba oo bilowdo.

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

garoowe/nugaal

afbakaylenews@gmail.com

akhriste fekerkaaga Kusoo Gudmi Halkan Hoose

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM