Kooliiste hore oo 13-Sano jir ah oo ku guuleestay Bilad Caalami ah misana Qaali ah (Daawo Sawirada)
Kesz oo u dhashay dalka Philippines da’diisana lasheegay in ay tahay 13 sano ayaa magaalada Hague ee dalka the Netherlands waxaa lagu gudoonsiiyay abaalmarinta sanadkiiba mar lasiiyo caruurta kaalimha hore kagasha kaalmeynta caruurt iyo barnaamijyada lagu wacyi gelinayo, abaalmarintaas oo loo yaqaan THE International Children’s Peace Prize.
Abaalmarintaan oo ay kula tartameen laba caruura oo kale ayaa Kesz in uu u qalmo waxaa go’aamiyay gudigii loo xilsaaray in ay xushaan mudanaha lasiin doono, sababa laxarira taariikhdiisa iyo wax qabadkiisa.
Kesz waxaa lasheegay in sababaha loo siiyay abaalmarintaan ay tahay in uu dadaal badan kadib wax kaqabtay xaqa ay leeyihiin caruurta wadooyinka dalkiisa ku dayacan.
Horay ayaa 13-jirkaani waxa uu uga mid ahaan jiray caruurta kudayacan wadooyinka kudhibaateysan, waxaana loo geestay dhibaatooyin badan intii uu kamid ahaa caruurta wadooyinka waxaana uu bilaabay in goobaha qashin qubka ah uu wax uu cuno karaadsao isaga oo laba jir ah sida lagu xusay taariikhdiisa.
Sedax sano kadib markii uu noqday mid kamid ah caruurta wadooyinka, Kesz waxa uu kagubtay gacan iyo dhabarka taas oo ku qasabtay in uu caafimaad raadsao kana cararo noloshii uu kujiray , waxa uuna ku biiriyay kadib markii uu caafimaday khibradiisii caruurta derbijiifka ah oo uu kadibna ku guuleestay in uu waxbadan u qabto
Kesz ayaa yiri “fariinteyda aan u dirayo caruurta dunida kunool waxa ay tahay; caafimaadkeenu waa qaninimadeena ! in aad caafimaad qabto waxa ay kuusuura gelineysaa in aad ciyaarto, in aad u fakarto si wanaagsan, in aad soo toosto oo aad Iskuulka aado, iyo in aad jecleeto deriskaaga sida ugu haboon”.
Maadaama maalintii caruur gaareysa 6,000 ay u geeriyoodaan cudura laxariira nadaafad xumo iyo faya dhowrka oo isna liita, Waxa uu kula dardarmay dadka aduunyada kunool oo dhan in isaga ay gacan kasiiyaan wax u qabsahda caruurta derbiya jiifyada ah si loogu guuleesto nolol kawanaagsan tan caruurtaasi ay kujiraan.
C/Casiis Axmed Qaliif (Karaama)
Faaruuq555@hotmail.com




|
|