Laascaanood:-Shigaadhi Oo dhimasho iyo Dhaawac sababay Oo dhacay duleedka Laascaanood
Wararka naga soogaya deegaanka gabadhe ee gobolka sool ayaa sheegayaa in halkaasi caawa kadhacay shil gaadhi oo sababay dhimasho iyo dhaawac,shilkaas Oo ka dhashay laba baabur oo isku dhacay.
Waxaa magaalada laascaanood lasoo gaarsiiyay dhawac gaadhay ilaa 8 qof iyo hal qof oo dhimasho ah,Waxaana hada dadka dhaawaca ah lagu dabiibayaa cusbitaalka weyn ee magaalada laascaanood.
Shil gaadhi oo gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay Deegaanka gabmadhe oo ka tirsan Gobolka Sool, baabuurtani shilku ka dhashay ayaa waxa ay ku kulmeen wadada Laamiga ah ee isku xidha Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool iyo garowe,iyagoona qaar kamid ah dadka ka degan Deegaankaasi shilku ka dhacay ay u xaqiijiyeen warbaahinta in shilkani uu dhashay kadib markii baabuur oo nooca Booyad iyo Dhayne ah ay si kadis ku kulmeen gob goolad ah oo kutaala laamig ay marayeen baaburtu.
Inta badan waxaa sanadihii u dambeeyey Deegaanada ku ag dhow Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ee ay marto wadada laamiga ah kusoo badanayey shilalka noocan oo kale kuwaas oo inta badan ay ka dhashaan khasaareyaal aad u tira badan.
Wariye Abdirahman Wadani
Email axmedyare1001@hotmail.com